HomeCaalamka33 qof oo ku geeriyootay Biriq ku dhacday Tuullo ku taalla Hindiya

33 qof oo ku geeriyootay Biriq ku dhacday Tuullo ku taalla Hindiya

Date:

Related stories

Fire Guts Shops at Mogadishu’s Bakara Market

A major fire tore through Mogadishu's Bakara Market on...

Maxkamad Mumbai oo 44 Soomaali ku xukuntay xabsi daa’in

Maxkamad gaar ah oo ku taal Mumbai ayaa 44 muwaadin Soomaali ah ku xukuntay xabsi daa'in kadib markii ay qireen dembiyada burcad-badeednimo. Ciidanka Badda Hindiya ayaa lagu ammaanay geesinimadooda.

Aabbe oo si kulul uga falceliyay wiilkiisa oo sigaar TikTok Live ku dhaxcabaya

Aabbe Mexico ah ayaa si kulul uga falceliyay wiilkiisa 13 jirka ah markii uu ku arkay isagoo sigaar cabaya TikTok Live. Muuqaalka ayaa dhaliyay dood ku saabsan doorka waalidiinta iyo baraha bulshada.

One Dead as Puntland Security Forces Clash in Bosaso

At least one Puntland Security Force soldier was killed...

Haweeney Ruush ah oo cabasho muusig uga aargoosatay deriskeeda AK-47

Haweeney Ruush ah ayaa cabasho muusig uga jawaabtay deriskeeda iyadoo AK-47 ku ridday gurigeeda. Muuqaalka ayaa si weyn loogu baahiyay baraha bulshada, isagoo dhaliyay falcelinno kala duwan.

Sarkaal ka tirsan Hay’adda Samafalka ee goobaha ay ka dhacaan Masiibooyinka ayaa sheegay inay dadkaasi ku geeriyoodeen roob biriq watay oo ka da’ay Gobalka Uttar Paradesh ee Waqooyiga dalkaasi. Sarkaalkaasi waxa uu tilmaamay inay Biriqdaasi ku geeriyoodeen 33 qof, halka ay 13 kalena ku dhaawacmeen, iyadoo 20-gurina ku burbureen roobka duufaanta watay. Roobab xooggan iyo […]

- Advertisement -

Sarkaal ka tirsan Hay’adda Samafalka ee goobaha ay ka dhacaan Masiibooyinka ayaa sheegay inay dadkaasi ku geeriyoodeen roob biriq watay oo ka da’ay Gobalka Uttar Paradesh ee Waqooyiga dalkaasi.

Sarkaalkaasi waxa uu tilmaamay inay Biriqdaasi ku geeriyoodeen 33 qof, halka ay 13 kalena ku dhaawacmeen, iyadoo 20-gurina ku burbureen roobka duufaanta watay.

- Advertisement -

Roobab xooggan iyo Biriq ayaana la sheegay inuu Gobalkaasi ka da’ay, xilli ay dadka Beeralayeda ka shaqeynayeen Beerahooda.

Sarkaal ka tirsan Boliska Gobalka Uttar Paradesh oo lagu magacaaboPradyuman Singh ayaa sheegay inay 7 qof ku geeriyootay hal Tuullo, xilli ay ka shaqeynayeen Beer lagu abuuray dalagga bariiska.

Dadka ku geeriyooday Tuulladaasi waxaa ka mid ahaa Haweeney iyo ilmo yar.

- Advertisement -

Dhinaca kale, Wasiirka Gobalka Uttar Pradesh, Yogi Adityanath waxa uu sheegay in qoysaska ay dadka kaga geeriyoodeen Masiibadaasi la siin doono lacag taageero ah oo dhan 400,000 oo Lacagta Rubiga Hindiya oo u dhiganta 6,000 oo Dollar.

 

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories