HomeCaalamkaDonald Trump oo Codsi u diray Haweenka laga tirada badan yahay ee...

Donald Trump oo Codsi u diray Haweenka laga tirada badan yahay ee Kongareeska

Date:

Related stories

Mucaaradka oo caalamka kala hadlay khilaafka doorashada

Mucaaradka oo caalamka kala hadlay khilaafka doorashada Muqdisho, 9 Juun...

Sheekada Ninkii Ugu Horreeyay Ee Lacag Ku Qanciya Gabar

Sheekada Ninkii Ugu Horreeyay Ee Lacag Ku Qanciya Gabar Waxaa...

Koonfur Galbeed oo degmooyinka ku xoojinaysa adkaysiga abaarta

Koonfur Galbeed oo waayo-aragnimo abaareed la wadaagtay Muqdisho, 8 Juun...

FESTU oo Geneva ka qaylisay: Shaqaalaha iyo dhalinyarada Soomaaliyeed waa lagama maarmaan

FESTU: “Wadahadal la’aan ma jirto nabad” Geneva, Switzerland – 6...

TUBSAN iyo Talyaaniga oo xoojinaya dagaalka argagixisada

TUBSAN iyo Talyaaniga oo xoojinaya dagaalka argagixisada Muqdisho, 06 Juun...
- Advertisement -

Madaxweynaha dalkaasi waxa uu ku tallaabsaday inuu weerar kale ku qaado Afarta Haweenka midabka leh ee ka tirsan Kongareeska, kuwaasi oo had iyo jeer naqdiya Siyaasadiisa.

Qoraal uu Twitter-kiisa soo dhigay waxa uu u baaqay Xildhibaanadaasi inay raalli-gelin bixiyaan, iyagoo ku tilmaamay inuu yahay Cunsuri.

- Advertisement -

“Ma rumeysani inay afartaasi Haweenka ka tirsan Kongareeska jecel yihiin Dalkeenna. Waa inay raalli-gelin siiyaan Maraykanka iyo Israel waxyaabaha nacaybka leh ee ay sheegeen. Waxay burburinayaan Xisbiga Dimuqraadiga, laakiin waa tabar daran yihiin iyo dad aan la aamin Karin  ma burburin karaan Qarankeenna Weyn”ayuu Trump ku yiri Bartisia Twitter-kiisa.

Dhinaca kale, Trump waxa uu isbuucii hore soo dhigay Twitter-kiisa qoraal uu ku sheegay inay Haweenka Xisbiga Dimuqradaiga ee ka tirsan Kongareeska dib ugu laabtaan dalalka ay horey uga yimaadeen, haddii aysan jeclayn Maraykanka, waa sida uu hadalka u dhigay.

Afarta Haween ee uu Trump weerarka afka ku hayo waxay kala yihiin Ilhan Omar, Rashiida Dalayba, Ayaanna Pressley iyo Alexandria Ocasio-Cortez, kuwaasi oo si wadajir ah u naqdiya Siyaasadda Trump iyo Israel.

- Advertisement -

Si kastaba ha ahaatee,  Haweenka Xildhibaanadda  ka tirsan Kongareeska Maraykanka weli kama aysan jawaab-celin hadalkii Trump ee ahaa inay Raalli-geliyaan siiyaan Maraykanka iyo Israel.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories