HomeCaalamkaDiyaraad Dagaal oo si kedis ah u caga dhigatay Waddo ku taalla...

Diyaraad Dagaal oo si kedis ah u caga dhigatay Waddo ku taalla dalka Tunisia

Date:

Related stories

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Trump oo UN-ka Ka Hadlay Iran iyo ICC

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa khudbaddiisa Golaha Guud ee Qaramada Midoobay kaga hadlay Iran, Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah

Diyaraad Dagaalka oo laga lahaa dalka Liibiya ayaa waxay maanta caga-dhigatay Waddo ku taalla Degmadda Beni Khadash ee Koonfurta dalka Tunisia, sida laga soo xigtay Goobjoogayaal iyo Warbaahinta dalkaasi. Wakaalladda Wararka Tunisia ee TAP ayaa sheegtay in Duuliye keliya uu lasocday Diyaaradaasi, kaasi oo ay qabteen Ciiddanka Milliteriga ee ku hareeraysan Deegaanka ay Diyaaradda soo […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Diyaraad Dagaalka oo laga lahaa dalka Liibiya ayaa waxay maanta caga-dhigatay Waddo ku taalla Degmadda Beni Khadash ee Koonfurta dalka Tunisia, sida laga soo xigtay Goobjoogayaal iyo Warbaahinta dalkaasi.

Wakaalladda Wararka Tunisia ee TAP ayaa sheegtay in Duuliye keliya uu lasocday Diyaaradaasi, kaasi oo ay qabteen Ciiddanka Milliteriga ee ku hareeraysan Deegaanka ay Diyaaradda soo caga-dhigatay.

- Advertisement -

Wasaaradda Difaaca ee dalka Tunisia waxay sheegtay inuu Duuliyaha ku soo wargeliyey  inuu ku khasbanaaday inuu si degdeg ah u soo caga dhigto, cillad ku timid diyaaradda.

Ciiddanka Cirka ee dalka Tunisia waxay isku diyaariyeen inay Diyaaradda hawada kaga hortagaan, si ay khasab ugu soo dejiyaan, balse, Duuliyihii Diyaaradii Dagaalka Liibiya ee nooceedu ahaa L-39 ayaa soo dejiyey Diyaaradda, ka hor intaysan Diyaaradaha kale hawada kaga hor tegin.

Diyaaradaha Dagaalka ee L-39 waxaa asal ahaan lagu farsameeyaa dalka Jamhuuriyadda Jeek ama (The Czech Republic).

- Advertisement -

Goobjoogayaal ayaa sheegay inay Diyaaradda ku so odegto Waddo iyo inay gaadiidka rayidka joojiyaan, si ay u arkaan Diyaaradaasi.

Afhayeen u hadlay Dowladda Libya ee ay QM aqoonsan tahay waxay sheegeen inaysan Diyaaradda iyo Duuliyaha aysan lahayn Ciiddankooda Cirka.

Si kastaba ha ahaatee, ma kala cadda inay Diyaaradaasi leeyihiin Ciiddanka Khaliifa Xaftar ee mucaaradka ku ah Dowladda Libiya, kuwaasi oo dhowrkii bilood ee la soo dhaafay duullaan ku ahaa caasimadda dalkaasi ee Tripoli.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts