HomeCaalamkaMuwaadin Kenyan lala xiriirinayo Alshabaab oo lagu qabtay dalka Filibiin

Muwaadin Kenyan lala xiriirinayo Alshabaab oo lagu qabtay dalka Filibiin

Date:

Related stories

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Trump oo UN-ka Ka Hadlay Iran iyo ICC

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa khudbaddiisa Golaha Guud ee Qaramada Midoobay kaga hadlay Iran, Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah

Wakaalladda Wararka Shiinaha ee XINHUA ayaa baahisay in Muwaadinkaasi lagu qabtay Hoteel uu ka degganaa magaalladda Iba ee Gobalka Zambales ee dalka Filibiin. Hadal ka soo baxay Boliska dalka Filibiin ayaa lagu sheegay in Muwaadinkaasi oo lagu magacaabo Jolo Cabdi C/llaahi  la qabtay, kadib, markii horey loogu jaray Amar isaga lagu baadi-goobayey. Eedeysanaha oo shalay […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Wakaalladda Wararka Shiinaha ee XINHUA ayaa baahisay in Muwaadinkaasi lagu qabtay Hoteel uu ka degganaa magaalladda Iba ee Gobalka Zambales ee dalka Filibiin.

Hadal ka soo baxay Boliska dalka Filibiin ayaa lagu sheegay in Muwaadinkaasi oo lagu magacaabo Jolo Cabdi C/llaahi  la qabtay, kadib, markii horey loogu jaray Amar isaga lagu baadi-goobayey.

- Advertisement -

Eedeysanaha oo shalay galab lagu qabtay Hotelkii uu degganaa ayaa la sheegay inuu haystay Bistoolad cabaysan, bam gacmeed iyo qalab kale oo laga farsameeyo Qaraxyadda, waa sida uu Saxaafadda u sheegay Taliyaha Ciiddanka Boliska ee dalka Filibiin.

Jolo Cabdi C/llaahi waxaa la sheegay inuu Duuliyenimo ka baranayey Akadeemiyadda Duulista Hawada ee magaalladda Basay ee dalkaasi, waxayna Dembi-baarista dalkaasi baarayaan haddii uu doonayey inuu geysto waxa loogu yeeray Weerar Argagixiso, waa sida hadalka loo dhigay.

Dowladda Filibiin waxay sheegtay inay Eedeysanaha ku soo oogi doonaan inuu si sharci-darro ah u geystay waxyaabaha qarxa.

- Advertisement -

Xigasho: XINHUA

 

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts