HomeWararFaah faahin:-Dagaal khasaaro geystay oo ka dhacay Gobolka Hiiraan

Faah faahin:-Dagaal khasaaro geystay oo ka dhacay Gobolka Hiiraan

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal xoogan oo ka dhacay Degmada Buulo-Burde ee Gobolka Hiiraan,kaasi oo u dhexeeyay Ciidamada maamulka Hirshabelle iyo dagaalamayaasha Al-shabaab. Dagaalkan ayaa waxaa uu ka dambeeyay,kadib markii Al-shabaab ay weerar ku qaadeen Garoonka diyaaradaha Buulo-Burde halkaasi oo ay Saldhig ay ku lahaayeen Ciidamada maamulka Hirshabeelle,isla markaana waxaa intaasi kadib […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal xoogan oo ka dhacay Degmada Buulo-Burde ee Gobolka Hiiraan,kaasi oo u dhexeeyay Ciidamada maamulka Hirshabelle iyo dagaalamayaasha Al-shabaab.

Dagaalkan ayaa waxaa uu ka dambeeyay,kadib markii Al-shabaab ay weerar ku qaadeen Garoonka diyaaradaha Buulo-Burde halkaasi oo ay Saldhig ay ku lahaayeen Ciidamada maamulka Hirshabeelle,isla markaana waxaa intaasi kadib dhacay dagaal qaatay saacado kooban wallow markii uu istaagay.

- Advertisement -

Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa lagu soo waramayaa in uu ka dhashay dagaalkii ka dhacay Gobolka Hiiraan oo soo kala gaara labada dhinac ee dagaalamay,in kastoo aan si dhab ah loo xaqiijin karin inta uu la egyahay.

War qoraal ah oo lagu faafiyay baraha Al-shabaab ee Internet-ka waxaa ay sheegteen in dagaalka ay ku dileen labada Askari oo ka tirsan Ciidamada maamulka Hirshabeelle.

Sidoo kale Al-shabaab ayaa sheegtay inay u horey u soo qaateen hubkii ay wateen Askarta la dilay,hayeeshee ma jiro warar madax banaan oo xaqiijinaya.

- Advertisement -

Al-shabaab ayaa marar qaar weeraro ku qaada Saldhiga Gobolada dalka ay ku leeyihiin Ciidamada dowladd,AMISOM iyo kuwa dowlad Goboleedyada dalka,kuwaasi oo sababa Khasaarooyin kala duwan.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts