Madaxweynaha Maraykanka waxa uu saakayto oo Sabti ah sheegay inuu quudaraynayo inuu Hoggaamiyaha Waqooyiga Kuurya, Kim Jong Un kula kulmay Xuduudka hubka ka caagan ee (DMZ) ee u dhexeeya Labada Kuurya.
Qoraal uu soo dhigay BartiisaTwitterka ayuu Trump ku sheegay haddii uu Hoggaamiyaha Waqooyiga Kuurya tan arko, inuu jeclaan lahaa inay ku kulmaan Xuduudka, si ay isku gacan qaadaan, una yiraahdo Hello.
Kulankaasi waxaa la filayaa inuu qeyb ka noqdo Madaxweynaha dalka Koonfurta Kuurya, Moon Jae-in, balse, ma kala cadda inuu kulankaasi dhici doono iyo in kale.
Donald Trump oo haatan Shirweynaha Madaxda dalalka Wersheadaysan ee Kooxda G20 uga socda magaalladda Oska ee dalka Japan, waxaa la filayaa inuu goor dambe oo maanta tago caasimadda dalka Koonfurta Kuurya ee Seoul, waxaana u qorsheysan inuu berrito oo Axad ah dib ugu laabto magaalladda Washington.