HomeCaalamkaTaliyihii ugu horeeyey ee Ciiddanka Ethiopia ka joogay Somalia oo geeriyooday

Taliyihii ugu horeeyey ee Ciiddanka Ethiopia ka joogay Somalia oo geeriyooday

Date:

Related stories

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Soomaalida Haysta TPS-ka Oo Wajahaya Isbeddel Sharci

Maxkamad federaal ah oo ku taalla Boston ayaa u oggolaatay maamulka Trump inuu sii wado joojinta TPS-ka Soomaalida, taas oo saameyn karta in ka badan 1,000 qof oo ku nool Mareykanka.

Jenerel Abraha Woldemariam oo lagu naanaysi jirey Kuwartar  waxa uu ahaa Taliyihii ugu horreeyey ee Ciiddankii Ethiopia ee sannadkii 2007-dii  gudaha u soo galay Somalia, iyagoo  dagaal la galay Dagaalamayaasha Alshabaab. Soo-gelitaanka Ciiddankaasi waxaa ka dhalatay xasaasiyad xooggan, iyadoo aydadka Soomaaliyeed u arkaan Ethiopia caddowga koowaad ee dalkeenna. Jenerel Abraha Woldemariam ayaa la sheegay inuu […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Jenerel Abraha Woldemariam oo lagu naanaysi jirey Kuwartar  waxa uu ahaa Taliyihii ugu horreeyey ee Ciiddankii Ethiopia ee sannadkii 2007-dii  gudaha u soo galay Somalia, iyagoo  dagaal la galay Dagaalamayaasha Alshabaab.

Soo-gelitaanka Ciiddankaasi waxaa ka dhalatay xasaasiyad xooggan, iyadoo aydadka Soomaaliyeed u arkaan Ethiopia caddowga koowaad ee dalkeenna.

- Advertisement -

Jenerel Abraha Woldemariam ayaa la sheegay inuu ku geeriyooday Isbitaal ku yaalla caaasimadda dalka Thailand ee Bankok, isagoo muddo dhowr bilood daaweyn u joogay dalkaasi.

Waxa uu ka mid ahaa dhowr Jeneral oo la magacaabay muddadii uu Ra’isul-wasaaraha ka ahaa Ethiopia, Hailemariam Desalegne,waxaana Hawlgab laga dhigay, markii uu Ra’isul-wasaare Abiy Ahmed awoodda la wareegay.

Jeneral Abraha Woldemariam  waxa ugu dambaysay in lagu arko meel Fagaare ah bishii Feberaayo sannadkan, markii uu ka qeyb galay sannad-guuradii 44-aad ee Ciiddankii hore ee Jabhadda Xorreynta Tirgreyga ee haatan maamula Gobalka Tigrayga ee dalkaasi.

- Advertisement -

Waayihii hore, Jeneral Abraha Woldemariam  waxa lagu eedeyn jirey inuu ku lug lahaa Tacadiyadii ka dhanka ah Xuquuqda Aadanaha ee ka dhacay Gobalka Soomaalida Ethiopia, halkaasi oo uu ka ahaa Taliyaha Qeybta K/bari ee Ciiddanka Federalka Ethiopia.

Waxaa lagu eedeeyaa inuu Isbahaysi dhow la lahaa Madaxweynihii Gobalka Soomaalida Ethiopia, Cabdi Maxamed Cumar (Cabdi Ileey), kaasi oo haatan Xabsiga ku jira, laguna eedeynayo Dilalka iyo Barakicii ka dhacay Gobalka bishii August ee sannadkii hore ee 2018-kii.

Faahfaahin lagama hayo qabanqaabadda Aaska Jeneral Abraha Woldemariam, balse waxaa laga yaabaa inuu Aas Heer Dowlad-Gobaleed looga sameeyo Gobalka Tigrayga ee uu ka soo jeedo.

Warbaahinta Ethiopia waxay dhowr bilood ka hor sheegeen in Jeneral Abraha Woldemariam  doonayey inuu fasax ka helo Ra’isul-wasaare Abiy Ahm,ed, si uu ugu ambabaxo dalka Thailand, oo uu iskaga soo daaweynayey cudddur aan weli la shaacinin waxa uu ahaa.

Si kastaba ha ahaatee, Ethiopia waxay hal isbuuc gudahiisa ku weyday 3 Jeneral, kuwaasi oo kala ah: Taliyihii Guud ee Milliteriga Ethiopia, Jeneral Seare Mekonnen oo uu dilay Ilaaliyihiisa Khaaska iyo Jeneral Gezae Aberra iyo Jeneral Abraha Woldemariam .

 

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts