HomeCaalamkaQaramada Midoobey oo muddo kordhin u sameysay howlgalka nabad ilaalinta ee Darfur

Qaramada Midoobey oo muddo kordhin u sameysay howlgalka nabad ilaalinta ee Darfur

Date:

Related stories

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Soomaalida Haysta TPS-ka Oo Wajahaya Isbeddel Sharci

Maxkamad federaal ah oo ku taalla Boston ayaa u oggolaatay maamulka Trump inuu sii wado joojinta TPS-ka Soomaalida, taas oo saameyn karta in ka badan 1,000 qof oo ku nool Mareykanka.

Pheromone Maxxing:Rag Ka Taga Qubayska Si Ay U Soo Jiitaan Dumaraka.

Dhaqan cusub oo TikTok ku faafaya ayaa ragga qaar ku dhiirrigelinaya inay iska dhaafaan qubayska iyo deodorant-ka, iyagoo aaminsan in urta dabiiciga ah ay kordhin karto soo jiidashada.

Xasuuqii Rwanda: Nin Xabsi Daa’in Lagu Xukumay

Maxkamad ku taalla The Hague ayaa xabsi daa’in ku xukuntay muwaaddin Rwanda ah oo lagu helay dambiyo la xiriira xasuuqii 1994, kaddib baaritaan socday sannado iyo marqaatiyo badan oo la dhageystay.

Golaha ammaanka Qaramada Midoobay ayaa u codeeyey howlgalka nabad ilaalinta gobolka daarfuur ee dalka inuu sii socdo. Waxaana howlgalka lagu kordhiyey ilaa iyo December iyada oo marka hore qorshaha ahaa bisha November. Ciidamada nabad ilaalinta Qaramada Midoobay ee ka bixi lahaa Daarfuur waa la hakiyey maadaamaa xaaladda dalka Sudan aysan degganeyn. Qaraarkan ayaa waxaa iskaashanayay […]

- Advertisement -

Golaha ammaanka Qaramada Midoobay ayaa u codeeyey howlgalka nabad ilaalinta gobolka daarfuur ee dalka inuu sii socdo.

Waxaana howlgalka lagu kordhiyey ilaa iyo December iyada oo marka hore qorshaha ahaa bisha November.

- Advertisement -

Ciidamada nabad ilaalinta Qaramada Midoobay ee ka bixi lahaa Daarfuur waa la hakiyey maadaamaa xaaladda dalka Sudan aysan degganeyn.

Qaraarkan ayaa waxaa iskaashanayay wadamada Afrika iyo dalalka reer galbeedka oo dhinac ah iyo Ruushka iyo Shiinaha oo dhinac kala ah.

Labadii sano ee ugu dambeeyay golaha ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa waxay u codeeyeen in la dhimo howlgalka nabad ilaalinta Qaramada Midoobay ee Darfur, sababtoo ah xasiloonida gobolkaasi oo ka soo raynaysay.

- Advertisement -

Tirada ciidamada nabad ilaalinta ee gobolkaasi ayaa horey loo dhimay boqolkiiba 75.

Balse dhiciddii madaxwayne Cumar Al-Bashir iyo ammaan daradii xigtay ayaa arrinta wax ka badashay.

Ruushka iyo Shiinaha ayaa waxay ku doodeen in hoos u dhigida tirada ciidamada nabad ilaalinta Qaramada Midoobey la sii wado in hoos loo dhigo ,halka dalalka kale ay sheegeen in xaaladu tahay mid aan caga adag ku taagnayn.

Waxaa jira warar sheegaya in ciidamada dowladda Sudan ay weerareen dad rayid ah ,lana dhacay saldhigyo ay leeyihiin ciidamada nabad ilaalinta islamarkana ciidamada sida militariga u tababaran ay la wareegeen goobihii ay ciidamada nabad iilaalinta baneeyeen.

Ruushka iyo Shiinaha ayaa waxay aqbaleen in tirada ciidamada nabad ilaalinta ee imika ku sugan Darfur ay intii hore ahaato, balse la siiyo waqti kooban oo dib u eegis lagu samayn karo muddo 4 bilood gudahood ah.

Xigasho BBC-Somali

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories