HomeWararShirka Ururka Iskaashiga Islaamka OIC oo maalintii 2-aad galay

Shirka Ururka Iskaashiga Islaamka OIC oo maalintii 2-aad galay

Date:

Related stories

SSUP oo Shir Siyaasadeed uga Qaybgalay Urdun

Xisbiga SSUP ee Soomaaliya oo ka qaybgalay shir siyaasadeed...

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Soomaaliya oo Sheegtay in 55% Dhulkii AS Dib Loo Qabsaday

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, ayaa madasha Global Security Forum 2026 ee Doha ka sheegay in dowladda dib ula wareegtay in ka badan 55%

Maanta oo Talaado ah ayaa lagu soo gaba-gabeynayaa Caasimadda Muqdisho Shirweynaha Badqabka Fikirka iyo la dagaallanka Xagjirnimada oo ay qaban-qaabisay Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, maalgeliyayna Ururka Iskaashiga Islaamka. Shirkan oo shalay uu furay Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Dalka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed Khadar ayaa Waxaa ka qeybgalay 12 wakiillo dowladeed oo xubno ka ah Ururka OIC, 30 […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Maanta oo Talaado ah ayaa lagu soo gaba-gabeynayaa Caasimadda Muqdisho Shirweynaha Badqabka Fikirka iyo la dagaallanka Xagjirnimada oo ay qaban-qaabisay Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, maalgeliyayna Ururka Iskaashiga Islaamka.

Shirkan oo shalay uu furay Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Dalka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed Khadar ayaa Waxaa ka qeybgalay 12 wakiillo dowladeed oo xubno ka ah Ururka OIC, 30 caalim oo ka socda wadamada Islaamka iyo 12 ka mid ah culimada diinta iyo aqoonyahanka Soomaaliyeed.

- Advertisement -

Ra’iisul wasaare kuxigeenka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa shalay hadalkiisa diiradda ku saarray dhex dhexaadnimada diinta islaamka iyo dhaqanka suuban ee Soomaaliyeed ee ka beermay nabadda iyo deganaanshaha, isagoo tilmaamay in rabshadda, argagaxisada iyo isqarxinta aanay ahayn wax laga yaqaan Soomaaliya, balse ay tahay aragti wax burburin oo dibadda laga soo minguuriyay.

Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdulqaadir Axmed-kheyr Cabdi oo isna shirkan ka hadlay ayaa sheegay in shir noocaan ah oo ku qabsooma Muqdisho ay tahay guul taariikheed oo dhiirrigelinaysa nabadda iyo dadaallada lagu doonayo in looga takhaluso rabshadda, xagjirnimada iyo argagaxisada.

Wasiiru dowlaha Diinta iyo Awqaafta, Mudane Cabdishakuur Xasan Ashkir iyo Mudane Danjire Askar Mussinov oo ah Madaxa Wafdiga Ururka Iskaashiga Islaamka ayaa waxa ay shirka ka jeediyeen laba khudbadood, iyadoo shirku galay dhowr fadhi oo furan oo toos looga baahiyay telefishannada iyo warbaahinta bulshada.

- Advertisement -

Shirkan oo maanta la soo gaba-gabeynayo ayaa laga soo saari doono Qodobo ku aadan Badqabka Fikirka iyo la dagaallanka Xagjirnimada taas oo Soomaaliya iyo Gobolka intiisa kalaba muhiim u ah.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts