HomeWararAskari Kenyan oo dilay qaraabadiisa, kadibna Is-khaarijiyey

Askari Kenyan oo dilay qaraabadiisa, kadibna Is-khaarijiyey

Date:

Related stories

Haweenka Suxufiyiinta Soomaaliya oo Weerarro Wajahaya

Suxufiyiin Soomaaliyeed oo Xarig iyo Jirdil Ka Cabanaya

SSUP oo Shir Siyaasadeed uga Qaybgalay Urdun

Xisbiga SSUP ee Soomaaliya oo ka qaybgalay shir siyaasadeed...

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Nin ka tirsan Milliteriga Kenya (KDF) ayaa la sheegay inuu saakayto dil-wadareed u geystay qaar ka mid qoyskiisa oo ku sugnaa gurigooda oo ku yaalla Deegaanka Jua Kali ee magaalladda Eldoret ee Galbedka dalkaasi. Askariga ayaa la sheegay inuu gaari ka soo kaxaystay Sadlhigii uu ka tirsanaa oo ku yaalla Degmadda Gilgil ee Gobalka Nakuru […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Nin ka tirsan Milliteriga Kenya (KDF) ayaa la sheegay inuu saakayto dil-wadareed u geystay qaar ka mid qoyskiisa oo ku sugnaa gurigooda oo ku yaalla Deegaanka Jua Kali ee magaalladda Eldoret ee Galbedka dalkaasi.

Askariga ayaa la sheegay inuu gaari ka soo kaxaystay Sadlhigii uu ka tirsanaa oo ku yaalla Degmadda Gilgil ee Gobalka Nakuru si uu u soo gaaro magaalladda Eldoret, oo ay u dhexeyso masaafo ahaan 195.9 KM.

- Advertisement -

Abaarihii  shantii iyo barkii ee Waaberigii hore ee saakayto oo Talaado ah ayaa la sheegay inuu gaaray  Hoygii uu u socday, wuxuuna rasaas huwiyey 3 qof oo ka mid ahaa dadkii degganaa guriga.

Warar kala duwan ayaa waxay ka soo baxayaan dadka uu dilay Askarigaasi, iyadoo mid ka mid ah wararka sheegeen inuu dilay 2 nin oo aadeeradiisa ahaa iyo haweeney iyadana wax ka degganayd guriga.

Balse, warar kale oo goor dhow soo baxay waxay sheegayaan inuu Askariga toogasho ku dilay 3 xubnood oo ka tirsan qoyskiisa, kuwaasi oo lagu kala sheegay Adeerkiisa, Saaxiibtiisa iyo  Xaaska Aabihiisa.

- Advertisement -

Kadib, markii uu Askarigii hubsaday inuu dilay saddexdaasi qof ayaa waxa uu isku dilay hubkii uu watay.

Taliyaha Boliska Galbeedka Eldoret, Zakariya Bitook ayaa sheegay inay baarayaan kiiskaasi, lamana garanayo waxa sababay dilkaasi.

Dhinaca kale, magaalladda Eldoret waxay noqotay meelaha ugu badan ee Kenya ee ay waayadan dambe ka dhacaan falalka is-dilka.

Gabar Ardayad ka ahayd Jaamacadda Moi University  ayaa la sheegay inay dhawaan isku daldashay halkaasi, sababo lagu sheegay jacayl daran oo ay u qaaday wiil ay isla dhigan jireen Jaamacadda.

Gabadhaasi waxaa lagu magacaabi jirey Ivy Wangeci, iyadoo Ninka la sheegay inay dartiisa isku daldashay lagu magacaabo Naftali Kimuthi, kaasi oo haatan ku jira gacanta Boliska.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts