Eedeysanahaasi oo lagu magacaaboFrode Berg ayaa waxaa maanta la soo taagay Maxkamad ku taalla caasimadda dalka Raashiya ee Mosko, isagoo lagu soo oogay inuu ahaa basaas ururinayey xogta Maraakiibta gujiska ee Raashiya ee xambaara Hubka Nukliyeerka.
Eedeysanaha, Frode Berg oo hawlgab ka noqday Hay’adda Xuduudaha ee dalka Norway waxaa la qabtay bishii December ee sannadkii hore, xilligaasi oo uu ku hawlanaa inuu warbixino sir ah ka helo Muwaadin u dhashay dalka Raashiya oo ka shaqeeya Shirkad dhinaca Difaaca, iyadoo ay Sirdoonka Raashiya ee FSS dusha kala socdaan arrintaasi.
Eedeysanaha oo 63-jir ah waxaa lagu soo oogay inuu xogta Gujisyadda Nukliyeerka Raashiya uu u ururinayey Hay’adda Sirdoonka ee dalka Norway.
Garsooraha Maxkamadda Mosko waxay Eedeysanaha Eedeysanaha ku xukumay xabsi 14-sanno oo uu ku qaadan doono Xabsi ammaankiisa aad loo ilaaliyo oo ku yaalla magaalladda Mosko.