HomeCaalamkaMid ka mid ah Xaasaska Madaxweynihii hore ee Suudaan oo laga hor-joogsaday...

Mid ka mid ah Xaasaska Madaxweynihii hore ee Suudaan oo laga hor-joogsaday inay dhoofto

Date:

Related stories

Once a Man’s World, Now a Shared Space: Women Transform Mogadishu’s Fish Market.

Every morning, as the sun rises over Mogadishu’s coastline,...

Somali Pirates Hijack Tanker ASANA

MOGADISHU – Somali pirates hijacked the oil tanker ASANA off...

Turkey excludes Somalia from e-Visa expansion

Turkey has expanded its electronic visa (e-Visa) system to...

Danab forces overrun Al-Shabaab stronghold near Jilib

The National Army’s elite Danab commandos have overrun a...

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Dowladda Koonfurta Suudaan ayaa la sheegay inay Xaaska 2-aad ee Madaxwihii hore ee dalka Sudan, Cumar Xasan Albashiir iyo carruurteeda iyo Walaalkiisa u diideen fasax ay kaga dhoofaan dalka Koonfurta Suudaan. Shabakadda Wararka ee Masraawi ee dalka Masar ayaa qortay in Xaaska 2-aad ee  Albashiir oo lagu magacaabo Widaad Babikar Cumar iyo carruurteeda iyo Nin […]

- Advertisement -

Dowladda Koonfurta Suudaan ayaa la sheegay inay Xaaska 2-aad ee Madaxwihii hore ee dalka Sudan, Cumar Xasan Albashiir iyo carruurteeda iyo Walaalkiisa u diideen fasax ay kaga dhoofaan dalka Koonfurta Suudaan.

Shabakadda Wararka ee Masraawi ee dalka Masar ayaa qortay in Xaaska 2-aad ee  Albashiir oo lagu magacaabo Widaad Babikar Cumar iyo carruurteeda iyo Nin la dhashay Albashiir o olagu magacaabo C/llaahi Xasan Al-bashiir ayaa la hor joogsaday inay ka ambabaxaan Caasimadda dalka Koonfurta Suudaan ee Jubba, iyagoo raaci lahaa Diyaarad Rakaab oo ku sii jeeday caasimadda dalka Imaaraadka Carabta ee Dubai.

- Advertisement -

Shabakadda Masraawi waxay kaloo qortay inay Dowladda Suudaan ka codsadeen Qaraabadda Al-bashiir inay isku tijaabiyaaan inay Khartoum kaga dhoofaan dalka Imaaraadka Carabta, ee aysan ka dhoofi karin Garoonka Diyaaradaha ee magaalladda Jubba.

Widaad Babikar Cumar waxay iyada iyo carruurteeda bishan April 10-dii ka soo dhoofeen Khartoum, hal maaalin ka hor Afgembigii Albashiir, waxayna maalmihii la soo dhaafay ku sugnayd Caasimadda dalka Koonfurta Suudaan ee Jubba.

Dhinaca kale, Albashiir walaalkiisa, C/llaahi Xasan Al-bashiir  waxa la sheegay inuu tan iyo bishan April 6-dii socdaal Ganacsi ku joogay isla Caasimadda Koonfurta Suudaan ee Jubba.

- Advertisement -

Si kastaba ha ahaatee, arrinta Xayiraaddooda ayaa timid, kadib, markii Madaxweynihii hore ee Suudaan, Cumar Xasan Al-bashiir xilka laga tuuray bishan April 11-di, waxayna Millitreigii afgembiyey sheegeen inay Xabsi Guri ku hayaan.

Albashiir waxa u utalada dalkaasi hayey tan iyo bishii June 30-dii  ee sannadkii 1989-kii.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories