HomeWararMaraykanka oo sheegay in ay duqeyn ku dileen Sarkaal ka tirsan Alshabaab

Maraykanka oo sheegay in ay duqeyn ku dileen Sarkaal ka tirsan Alshabaab

Date:

Related stories

Haweenka Suxufiyiinta Soomaaliya oo Weerarro Wajahaya

Suxufiyiin Soomaaliyeed oo Xarig iyo Jirdil Ka Cabanaya

SSUP oo Shir Siyaasadeed uga Qaybgalay Urdun

Xisbiga SSUP ee Soomaaliya oo ka qaybgalay shir siyaasadeed...

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Taliska Milliteriga Maraykanka ugu qaabilsan Qaaradda Afrika ee AFRICOM ayaa sheegay inay dib u bilaabeen Duqeymaha Diyaaradaha ee ay ka fuliyaan gudaha Somalia, kadib markii ay wax yar hakiyeen duqeymahaasi sababo la  xiriiray in dad rayid ah lagu dilay duqeymahaasi. Hadal-qoraal oo ay Taliska AFRICOM shalay soo saareen ayey ku sheegeen inay Talaadadii la soo […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Taliska Milliteriga Maraykanka ugu qaabilsan Qaaradda Afrika ee AFRICOM ayaa sheegay inay dib u bilaabeen Duqeymaha Diyaaradaha ee ay ka fuliyaan gudaha Somalia, kadib markii ay wax yar hakiyeen duqeymahaasi sababo la  xiriiray in dad rayid ah lagu dilay duqeymahaasi.

Hadal-qoraal oo ay Taliska AFRICOM shalay soo saareen ayey ku sheegeen inay Talaadadii la soo dhaafay duqeeyn ka geysteen meel ku dhow Degmadda Jilib ee Gobalka J/dhexe, kuna dileen hal Dagaalame oo ka tirsan Alshabab.

- Advertisement -

Agaasimaha Hawlgalladda ee AFRICOM, Jeneral Gregg Olson ayaa sheegay inaysan dad rayid waxyeello ka soo gaarin duqeynta ka dhacday meel ku dhow Degmadda Jilib, waa sida uu hadalka u dhigay.

Waxa uu intaasi ku daray inay DFS ka taageeraan dadaalka lagu xaqiijinayo  Deganaanshaha iyo Mustaqbalka Somalia.

Duqeyntan u dambeysay ee ay AFRICOM shaacisay ayaa la rumeysan yahay inuu yahay kii ugu horreeyey ee ay ka fuliyaan gudaha Somalia, tan iyo markii ay Hay’adda u dooda Xuquuqda Aadanaha ee Amnesty International ku sheegtay Warbixin ay soo saartay bishii hore ee March 18-dii in 14 qof oo rayid ah lagu dilay, 7 kalena lagu dhaawacay sham duqeymo Diyaaradeed oo ay Maraykanka ka fuliyeen Somalia muddadii u dhexeysay April ee sanadkii 2017-kii ilaa bishii December ee sannadkii hore ee 2018-ka.

- Advertisement -

Balse, AFRICOM waxay qirteen geerida labo qof oo rayid ah oo lagu dilay duqeyn ka dhacday Degmadda Ceel-buur ee Gobalka Galgaduud.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts