HomeWararBaraha Telefishinka Aljazeera oo laga saaray Warbixin looga been abuuray Shirkadda Dahabshiil...

Baraha Telefishinka Aljazeera oo laga saaray Warbixin looga been abuuray Shirkadda Dahabshiil Group

Date:

Related stories

Cambaareyn Caalami ah: Sacuudiga, Turkiga iyo Waddamo kale oo Gaashaanka ku dhuftay Qorshaha Israa’iil ee Soomaaliya

Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Sacuudiga, Turkiga, Indonesia iyo waddamo kale ayaa si kulul u cambaareeyay tallaabada Israa’iil ay wakiil ugu magacawday Somaliland. Warbixintan waxay faahfaahinaysaa sida dalalkani ay u difaaceen madaxbannaanida Soomaaliya,

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Madasha Antaaliya ka Jeediyay Farriin Miisaan Leh

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dalka Turkiga uga qayb galay Madasha Diblumaasiyadda ee Antaaliya, halkaas oo uu kaga hadlay muhiimadda wada-hadalka iyo iskaashiga caalamiga ah. Maqaalkan ka akhriso nuxurka farriinta Madaxweynaha,

Puntland President Deni Overhauls Police Leadership in Major Security Shake-Up

Puntland's President Said Abdullahi Deni has announced a sweeping restructuring of the regional police force, appointing a new second deputy commander and fresh leadership across key departments, including the Criminal Investigations Department (CID) and regional police commands. The move is seen as part of broader security reforms to strengthen law enforcement in the semi-autonomous state.

Somalia’s Elite Gorgor Unit Delivers Lifeline to Drought-Hit Families

The Gorgor Commandos of the Somali National Army have conducted a humanitarian operation in the Middle Shabelle region, delivering critical food aid to communities suffering from severe drought in an incredible show of solidarity.

William Ruto oo Farriin Xamaasad leh u diray Harambee Starlets ka hor Kulanka Australia

Madaxweyne William Ruto ayaa farriin muuqaal ah oo dhiirrigelin ah u diray xulka haweenka Kenya ee Harambee Starlets, kuwaas oo maanta wajahaya xulka awoodda badan ee Australia. Maqaalkan ka akhriso nuxurka farriinta Madaxweynaha, ujeeddada ka dambaysa taageerada dowladda iyo rajada laga qabo kulanka weyn ee ka dhacaya garoonka Nyayo.

Sarkaal ka tirsan Shirkadda Dahabshiil Group o ola hadlay Dalsan Media ayaa sheegay inay Madaxda TV-ga Aljazeera ee xaruntiisa dhexe ku taallo caasimadda dalka Qatar ee Doha garwaaqsadeen inay barahooda Bulshadda ee Laanta Afka Craabiga ee Aljazeera  ka saaraan Warbixintaas qadaf ku ah Dahabshiil, ee looga been sheegay arrimo aysan ku lug lahayn ee ahaa inay xiriir la leeyihiin Shirkadda DP World.

Sarkaalka waxa uu tilmaamay inay Maamulka Dahabshiil qoraal cabasho ah u qoreen Maamulka Sare ee Telefishinka Al-jaziira oo ku aadan Barnaamij bishan March 17-dii  laga sii daayey Qeybta Craabiga ee Telefishinka oo loogu magac daray “Almasaafa Sifrr”, kaasi oo ay ka diyaariyeen Hardanka Dekeddaha ee ka socda Geeska Afrika.

Waxa uu intaasi ku daray in Xiriirka Dahabshiil la sameeyeey Maamulka Aljazeera TV uu horseeday inay Barahooda Warbaahinadda Bulshadda ka saaraan Warbixintaasi.

Dhinaca kale,  Shirkadda Dahabshiil waxay horey u soo saratay qoraal ay ku beeninayso xogaha ku soo arooray Barnaamijka loogu magac daray “Almasaafa Sifrr” ee laga baahiyey Laanta Afka Carabiga ee Telefishinka Aljazeera.

Qoraalka Dahabshiil u dirtay Maamulka Telefishinka Aljazeera waxaa lagu xusay in baahinta Barnaamijkaasi xambaarsanaa Eedeymo la been abuuray, kuwaasi oo gebi ahaan ahaa Sharaf-dil iyo Eedeymo ku aadan ku lug lahaanshaha Arrimo Siyaasadeed oo u muuqda kuwo ay dabada ka riixayso arrimo la xiriira Siyaasad Deegaamaysan (Geopolitical reasons).

Qoraalka Dahabshiil waxaa lagu muujiyey inaysan Aljazeera siinin Dahabshiil xuquuda jawaabta iyo fal-celinta ka hor intaysan Aljazeera baahinin Barnaamijkaasi.

Qoraalka Dahabshiil waxa uu hoosta ka xariiqay haddii ay Aljazeera telefoonka kula soo xiriiri lahaayeen Dahabshiil  in laga fogaan lahaa Qaladaadka iyo Been Abuurka badan ee ku jiray Warbixintaasi

Si kastaba ha ahaatee, Dahabshiil ayaa ah Shirkad Ganacsi oo Caalami ah oo si gaar loo leeyhaay, oo u adeegto Bulshadda Caalamka, isla markaana aan ku lug  lahayn Siyaasado Dowladeed ama Kooxeysi Siyaasadeed.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories