HomeWararDhageyso:-Meyd Dharkiisa Lagu Aasay oo lagu arkay Maqaayad ku taalla Muqdisho

Dhageyso:-Meyd Dharkiisa Lagu Aasay oo lagu arkay Maqaayad ku taalla Muqdisho

Date:

Related stories

Koonfur Galbeed oo degmooyinka ku xoojinaysa adkaysiga abaarta

Koonfur Galbeed oo waayo-aragnimo abaareed la wadaagtay Muqdisho, 8 Juun...

FESTU oo Geneva ka qaylisay: Shaqaalaha iyo dhalinyarada Soomaaliyeed waa lagama maarmaan

FESTU: “Wadahadal la’aan ma jirto nabad” Geneva, Switzerland – 6...

TUBSAN iyo Talyaaniga oo xoojinaya dagaalka argagixisada

TUBSAN iyo Talyaaniga oo xoojinaya dagaalka argagixisada Muqdisho, 06 Juun...

Somalia Strengthens Ebola Preparedness Amid Regional Outbreak Risks

Somalia has stepped up Ebola preparedness, though no cases have been confirmed. The Ministry of Health has activated the National Public Health Emergency Operation Center and introduced electronic traveler health forms to strengthen border surveillance. Officials urge the public to remain calm, follow official health guidelines, and avoid misinformation.

Police Target illegal arms after deadly confrontation

Somali government security forces deployed across Mogadishu's Abdiaziz district...
- Advertisement -

Maqaayad ku taalla degmada C/casiis ee gobalka Banaadir ayaa lagu arkay qof meyd  ah oo u muuqatay in lagu dilay halkaas kadibna lagu aasay dharkeedii  si aan loo arag,waxaana dhacdadaan ay la yaab ku noqotay dadka deegaanka.

Haweeney ku ganacsata maaqaayadda lagu arkay Meydkaan oo la hadashay Dalsan ayaa sheegtay in iyada oo haaqaysa qeyb ka mid ah goobteeda ganacsi ay argtay xubno bini’aadam kadibna ay ku wargelisay maamulka iyo dadkii ka agdhawaa.

- Advertisement -

Sida laga dheehan karay meydkaan looma asturin sidii loogu talagalay waxaana lagu duugay dharkiisii,dhowr sano ka hor iyada oo aan loo qodin qabri,dadka deegaanka ayaana dib u karfanay una aasay.

C/llahi Maxamed Xuseen oo ka mid ah maamulka degmada C/casiis oo la hadlay Dalsan ayaa sheegay in goobta ay gaareen markii lagu soo wargeliyay arrintaa kadibna ay la wadaageen hay’adaha amniga.

Dhinaca kalana waxa uu tilmaamay in meydkaan qiyastii la aasay xiligii ay dagaalada ka socdeen magaalada Muqdisho 10-sano ka hor,isaga oo ugu dambayntii sheegay in shacabka iyo maamulka degmada oo iskaashanaya ay soo aruuriyeen lafaha qofkaan dibna loo karfanay lana aasay.

- Advertisement -

Halkaan Ka Dhageyso Codka

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories