HomeWararCiidamada AMISOM oo la wareegay Amaanka Degmada Mahadaay,kadib ka bixitaankii Ciidamada dowladda

Ciidamada AMISOM oo la wareegay Amaanka Degmada Mahadaay,kadib ka bixitaankii Ciidamada dowladda

Date:

Related stories

SSUP oo Shir Siyaasadeed uga Qaybgalay Urdun

Xisbiga SSUP ee Soomaaliya oo ka qaybgalay shir siyaasadeed...

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Soomaaliya oo Sheegtay in 55% Dhulkii AS Dib Loo Qabsaday

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, ayaa madasha Global Security Forum 2026 ee Doha ka sheegay in dowladda dib ula wareegtay in ka badan 55%

Warar Idaacada Dalsan ee Magaalada Muqdisho ay ka heleyso Degmada Mahadaay ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa waxaa ay ku waramayaan in halkaasi ay la wareegay Ciidamada dowladda Burundi ee qeybta ka ah howlaga AMISOM,kadib markii ay ka soo baxeen Ciidamadii dowladda Soomaaliya. Ciidamada Burundi ayaa waxaa la sheegay in markii hore ay Saldhigyo ku lahaayeen […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Warar Idaacada Dalsan ee Magaalada Muqdisho ay ka heleyso Degmada Mahadaay ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa waxaa ay ku waramayaan in halkaasi ay la wareegay Ciidamada dowladda Burundi ee qeybta ka ah howlaga AMISOM,kadib markii ay ka soo baxeen Ciidamadii dowladda Soomaaliya.

Ciidamada Burundi ayaa waxaa la sheegay in markii hore ay Saldhigyo ku lahaayeen meel ka baxsan degmada Mahadaay,isla markaana haatan ay la wareegeen gacanta ku heynta degmadaas.

- Advertisement -

Qof kamid dadka deegaanka oo la soo xiriiray Dalsan ayaa u sheegay in Ciidamo farabadan oo ka tirsan kuwa Burundi lagu arkayo Xaafadaha Magaalada,iyagoona soo galay kadib markii saakay ay halkaas isaga soo baxeen Ciidamada dowladda Soomaaliya.

Sidoo kale Ciidamada ayaa difaacyo hor leh ka sameeysanaya Degmada Mahadaay, halka markii horey ku sugnayeen meel ka baxsan degmada.

Ciidamo farabadan oo ka tirsan kuwa Dowladda Soomaaliya ayaa saakay isaga soo baxay qeybo kamid ah Gobolka Shabeellaha Dhexe,waxaana kamid ah Mahadaay, Qalimow Garsaale,Haan sheekh iyo goobo kale oo ay ku lahaayeen Saldhigyo Militeri.

- Advertisement -

Wararka ayaa intaasi waxa ay ku darayaan in Ciidamada ay halkaas uga soo baxeen Mushaar la’aan soo wajahday Muddooyinkii dambe.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts