HomeWararDowladda Kenya oo loo far muuqay Siyaasiyiinta iyo Saraakiisha Soomaalida ee...

Dowladda Kenya oo loo far muuqay Siyaasiyiinta iyo Saraakiisha Soomaalida ee Hantida…

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Xoghayaha Joogtadda ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee dalkaasi, Majaariya  Kamaa’u waxa uu dhawaan soo saaray Qoraal  ballaaran oo ku aadan Khilaafka Diplomaasiyadeed ee Somalia iyo Kenya ee ka dhashay muranka dhinaca Xuduud-baddeedka, iyo tallaabadii ay ugu yeerteen Danjirahoodii u joogay Somalia, kuna soo cayriyeen Danjiraha Somalia u joogay Nairobi. Qoraa Kenyan oo lagu magacaabo Majaariya […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Xoghayaha Joogtadda ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee dalkaasi, Majaariya  Kamaa’u waxa uu dhawaan soo saaray Qoraal  ballaaran oo ku aadan Khilaafka Diplomaasiyadeed ee Somalia iyo Kenya ee ka dhashay muranka dhinaca Xuduud-baddeedka, iyo tallaabadii ay ugu yeerteen Danjirahoodii u joogay Somalia, kuna soo cayriyeen Danjiraha Somalia u joogay Nairobi.

Qoraa Kenyan oo lagu magacaabo Majaariya Gaytho waxa uu ku tilmaamay Tallaabadii ay Kenya u xulatay Khilaafka Somalia ee Xuduud-baddeedka inuu ahaa mid aad caato u ahaa, loona baahnaa in si taxadir leh looga fekerayo xulashooyinka kale ama Tallaabooyinka kale ee fal-celinta ee laga qaadi lahaa Somalia.

- Advertisement -

Qoraagaasi oo ahaa Tifaftirihii hore ee Maamulka  iyo Mashaariicda Khaaska ee Wargeyska Daily Nation, Majaariya Gaytho waxa uu bishan 19-dii Maqaal dheer ku qoray Daily Nation, isagoo taxliil iyo is-barbar dhig ku sameeyey Go’aankii Dowladda Kenya ka qaatay Khilaafka Kenya iyo Tallaabooyin kale ee muhiimka ee loo baahnaa in culayska la saaro.

Waxa uu sheegay in xulashadda kale ee aan lagu xusin Warqadda Dowladda Kenya ka soo saartay Khilaafka Somalia tahay inuu dalka Kenya Soomaalida u tahay hoygoodii 2-aad ee Xafiisyadda Nidaamka Maamulka ee Saraakiisha Ururadda iyo Waaxyaha Dowladda Somalia.

Sidoo kalena ay Siyaasiyiin Sarsare, Shaqaalaha Dowladda iyo Saraakiisha Ciiddamadda Soomaalia ee guryaha qoysaska ku leh gudha Kenya.

- Advertisement -

Qoraagaasi waxa uu qormadisa ku sheegay inay maalgashi culus ku sameysteen Hanti-ma-guurto  iyo Ganacsi iyo inay Kenya u adeegsadaan sidii Dal  lagu qaado Lacagaha, waa sida uu hadalka u yiri.

Waxa uu sii raaciyey side cunaqabatayn loola beegsan karaa Shaqsiyaadkaasi, iyadoo arrintan ka maqan tahay ficilkii fal-celinta ee Dowladda Kenya u cuskatay Khilaafka Somalia.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts