Wararka naga soo gaaraya gobolka Gedo ayaa waxa ay sheegayaan in xalay Rag hubeysnaa ay gurigiisa ku dhex dileyn mid ka mid ahaa Ergadii Xildhibaanada Golaha Shacabka Soomaaliya ku soo dooratay Magalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose.
Raga hubeysnaa ayaa warar soo baxaya waxa ay sheegayaan in ay gurigiisa ku soo weerareen laba nin oo watey mootada loo yaqaano dhugdhuleyda ka dibna ay dileyn,iyaga oo durba goobta ka baxsaday sida ay dad ku sugan Garbahaareey oo ehel la’ah Marxuumka Dalsan u sheegeen.
Marxuumka la dilay ayaa laba maalin ka hor tegay deegaanka Far Leysaan ee lagu dilay halkaas oo ay deganaayeen qaar ka mid ah qoyskiisa,sidaasina lagu dilay.
Laamaha amniga Gobolka Gedo iyo masuuliyiinta Maamulka Jubbaland weli dilka ninkaasi weli kama hadlin,waxana xusid mudan in deegaanka Far Leysaan ee uu dilka ka dhacay in aysan ku sugneyn Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya.
Sikastaba dilkaas ayaa ku soo aadaya xilli Maalin kahor degmada Dharkenley lagu dilay nin la sheegay in uu ka mid ahaa Ergadii soo dooratay xildhibaanada Golaha Shacabka Soomaaliya,iyada oo aysan jirin cid loo qabtay dilkaas.