Wasiirka Ammaanka Dadweynaha ee Yuhuudda, Gilad Erdan ayaa sheegay inuu doonayo inuu Maxaabiista Falastiiniyiinta ee xubnaha ka ah Dhaqdhaqaaqa Islaamiga XAMAAS ka mamnuuco inay daawadaan Ciyaaraha Koobka Adduunka ee soo socda.
Isagoo la hadlayey Shabakadda Wararka ee The YNet news waxa uu tilmaamay inuusan wax dan ah ka lahayn in loo oggolaado Maxaabiista xubnaha ka ah XAMAAS ee ku xiran Jeelasha ay ku raaxaystaan Ciyaarahaasi, iyadoo ay  Askar iyo La-haystayaal Yuhuud ah lagu haysto Marinka Qasa ee dhulalka Falastiin.
Wasiirka waxa uu sheegay inu uka codsaday Hay’adda maamusha Xabsiyadda Yuhuudda inay culays dul saaraan xubnaha Maxaabiista ka tirsan Dhaqdhaqaaqa Islaamiga Falastiin ee XAMAAS
Sharciga haatan ka jira Yuhuudda waxay Maxaabiista xaq u leeyihiin inay Telefishinka daawadaan, laakiin Wasiirkaasi waxa uu sheegay inuu hubin doono haddii la beddeli karo xilliga ay dhacayaan Ciyaaraha K/cagta ee Adduunka oo dalka Raashiya lagu qaban doono muddada u dhexeysa June 14-da ilaa July 15-da ee sannadkan.
Xabsiyadda Yuhuudda waxaa haatan ku xiran 6,500 Maxaabiis Falastiini ah, sida laga soo xigtay Naadiga Maxaabiista Falastiin “The Palestinian Prisoners Clubâ€.
WQ. Ustaad Nuradin