HomeCaalamka(MUUQAAL): Nin Qaxooti ah oo Dhalashadda Faransiiska ku muteystay ilmo yar oo...

(MUUQAAL): Nin Qaxooti ah oo Dhalashadda Faransiiska ku muteystay ilmo yar oo uu badbaadiyey

Date:

Related stories

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Soomaaliya oo ECOSOC ku soo bandhigtay horumarkeeda

Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beenebeene oo ECOSOC ku soo bandhigay guulaha Soomaaliya, isagoo xusay NTP 2025–2029 iyo horumarka laga gaaray dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska.

Blanche oo jidka ugu jira Sanduuqa $1.8 bilyan oo la tirtiray

Todd Blanche oo la filayo inuu si fudud u xaqiijisto hay'adaha sare ee Maraykanka inkastoo uu wehliyo culeysyo kala duwan, iyadoo ay jirto su'aal ku saabsan madax-banaanida Wasaaradda Caddaaladda.

Over 40 Al-Shabaab Fighters Killed in Goobo, Hiiraan

The Somali National Armed Forces, supported by international partners, killed more than 40 Al-Shabaab militants and wounded 12 others during a coordinated airstrike in the village of Goobo, Hiiraan region, late Monday night.

Wiil dhallinyaro oo u dhashay dalka Maali ayaa loo aqoonsaday Geesi, kadib, markii uu soo badbaadiyey  wiil 4 jir ah oo noloshiisa khatar ku jirtay. Ninka Dhallinyarada oo lagu magacaabo Mamoudou Gassama waxa uu si dhaqso leh u soo badbaadiyey Wiilka yar oo ka soo laalaaday Balakoonka Dabaqa 4-aad ee dhismo ku yaalla Waqooyiga magaalladda […]

- Advertisement -

Wiil dhallinyaro oo u dhashay dalka Maali ayaa loo aqoonsaday Geesi, kadib, markii uu soo badbaadiyey  wiil 4 jir ah oo noloshiisa khatar ku jirtay.

Ninka Dhallinyarada oo lagu magacaabo Mamoudou Gassama waxa uu si dhaqso leh u soo badbaadiyey Wiilka yar oo ka soo laalaaday Balakoonka Dabaqa 4-aad ee dhismo ku yaalla Waqooyiga magaalladda Paris.

- Advertisement -

Mamoudou Gassama oo 22-jir ah ayaa la arkayey isagoo  isaga oo isaga kala gudbaya Balakoonadda, wuxuuna markii uu gaaray Balakoonka Dabaqa 4-aad la arkayey isagoo mid ka mid ah lugtiisa saarayo Balakoonka, ka hor inta uusan gacantiisa midig ku soo qabanin Wiilkii yaraa ee khatarta ugu jiray inuu ka soo dhaco Dabaqaasi

Kooxaha Dab-damiska ayaa yimid goobta, si ay u helaan Ilmaha Yaroo mar hore la soo badbaadiyey.

Afhayeenka Adeegga Nolosha ee dalka Faransiiska ayaa ammaanay Ninka u dhashay dalka Maali ee sida geesinimadda leh u soo badbaadiyey wiilka yar.

- Advertisement -

Haweeneyda ah Duqa magaalladda Paris, Anne Hidalgo ayaa u mahad celisay Ninka dhallinyarada ee  sida geesinimadda leh u soo badbaadiyey Wiilka Yar.

Qoraal ay barteeda Twitter-ka soo dhigtay ayey ku sheegtay inuu isaga u sheegay inuu dhowr bilood ka hor ka yimid dalka Maali, isagoo ku riyoonayey inuu Nolol cusub ka dhiso Faransiiska.

Waxay ju sheegay ninkaasi inay Geesinimadiisa tusaale u tahay Muwaadiniinta oo dhan, isla markaana Maamulka Paris ka taageeri doonaan dadaalkiisa ku aadan Deganaanshaha gudaha Faransiiska.

Dhinaca kale, Mamoudou Gassama waxa uu Madaxweynaha dalka Faransiiska, Emmanel Macron maanta kula kulmay Qasriga Madaxtooyadda ee Elysee Palace.

Waxaana  lagu abaal mariyey Geesinimadda uu wiilka yar ku badbaadiyey.

Madaxweynuhu waxa uu ku  dhawaaqay in Mamoudou Gassama oo ah Muhaajir aan Dukumenti lahayn la siinayo Dhalashadda Faransiiska, kuna biiri doono  Hay’adda Adeegga Dab-damiska.

Mamoudou Gassama waxa uu Saxaafadda u sheegay inuu arkay dad badan oo qeylinayey iyo dhawaaqa hoonka gawaarida, isagoo sheegay inuu kor u fuulay sidaas oo kale.

Wuxuuna Rabbi uga mahad celiyey sida uu u badbaadiyey wiilka yar.

“Waxaan cabsi dareemay, markii aan Wiilka soo badbaadiyey, markii aan tegnay Qolka Jiifka waxaan bilaabay inaan dadka salaamo, waxaa igu adkayd inaan istaagnaado, waxaan u baahnaa inaan fariisto” ayuu yiri Mamoudou Gassama.

Waxaa laga soo xigtay Walaalkiisa inuusan Mamoudou haysanin waraaqaha muhiimka si uu Deganaansho uga helo Faransiiska, isla markaana uu uu Warqad Dal-ku-joog KMG ah haystay.

HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA QAABKA  LOO SOO BADBAADIYEY WIILKA YAR:

https://youtu.be/pd79zyrwSKU

https://youtu.be/X6i_uTF0-wE

WQ. Ustaad Nuradin

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories