HomeCaalamkaFalastiiniyiinta ku xiran Xabsiyadda Yuhuudda oo la sheegay inaysan daawan doonin Ciyaaraha...

Falastiiniyiinta ku xiran Xabsiyadda Yuhuudda oo la sheegay inaysan daawan doonin Ciyaaraha Koobka Adduunka.

Date:

Related stories

IOM Flies 56 Migrants Back to Ethiopia

 It was a sombre scene at the Bosaso port...

Turkey renews Somalia military deployment for two more years

Turkey's parliament has approved a two-year extension of its...

44 Somali Pirates Sentenced to Life in India

A special court in Mumbai has sentenced 44 Somali...

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya – ma waxay horumar ku noqon doontaa kubadda cagta Soomaaliya?

Fire Guts Shops at Mogadishu’s Bakara Market

A major fire tore through Mogadishu's Bakara Market on...

Wasiirka Ammaanka Dadweynaha ee Yuhuudda, Gilad Erdan ayaa sheegay inuu doonayo inuu Maxaabiista Falastiiniyiinta ee xubnaha ka ah Dhaqdhaqaaqa Islaamiga XAMAAS ka mamnuuco inay daawadaan Ciyaaraha Koobka Adduunka ee soo socda. Isagoo la hadlayey Shabakadda Wararka ee The YNet news waxa uu tilmaamay inuusan wax dan ah ka lahayn in loo oggolaado Maxaabiista xubnaha ka […]

- Advertisement -

Wasiirka Ammaanka Dadweynaha ee Yuhuudda, Gilad Erdan ayaa sheegay inuu doonayo inuu Maxaabiista Falastiiniyiinta ee xubnaha ka ah Dhaqdhaqaaqa Islaamiga XAMAAS ka mamnuuco inay daawadaan Ciyaaraha Koobka Adduunka ee soo socda.

Isagoo la hadlayey Shabakadda Wararka ee The YNet news waxa uu tilmaamay inuusan wax dan ah ka lahayn in loo oggolaado Maxaabiista xubnaha ka ah XAMAAS ee ku xiran Jeelasha ay ku raaxaystaan Ciyaarahaasi, iyadoo ay  Askar iyo La-haystayaal Yuhuud ah lagu haysto Marinka Qasa ee dhulalka Falastiin.

- Advertisement -

Wasiirka waxa uu sheegay inu uka codsaday Hay’adda maamusha Xabsiyadda Yuhuudda inay culays dul saaraan xubnaha Maxaabiista ka tirsan Dhaqdhaqaaqa Islaamiga Falastiin ee XAMAAS

Sharciga haatan ka jira Yuhuudda waxay Maxaabiista xaq u leeyihiin inay Telefishinka daawadaan, laakiin Wasiirkaasi waxa uu sheegay inuu hubin doono haddii la beddeli karo xilliga ay dhacayaan Ciyaaraha K/cagta ee Adduunka oo dalka Raashiya lagu qaban doono muddada u dhexeysa June 14-da ilaa July 15-da ee sannadkan.

Xabsiyadda Yuhuudda waxaa haatan ku xiran 6,500 Maxaabiis Falastiini ah, sida laga soo xigtay Naadiga Maxaabiista Falastiin “The Palestinian Prisoners Club”.

- Advertisement -

WQ. Ustaad Nuradin

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories