HomeWararSawirro:-Guddiga Qaran ee gurmadka fatahaadaha oo lacag deeg ah ku wareejiyay maamulka...

Sawirro:-Guddiga Qaran ee gurmadka fatahaadaha oo lacag deeg ah ku wareejiyay maamulka Gedo

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Ra’iisul wasaare kuxigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Mahdi Maxamuud Guuleed (Khadar) oo ah gudoomiyaha guddiga qaran ee gurmadka fatahaadaha ayaa waxa uu maanta lacag gargaar ah oo dhan $100,000 ku wareejiyay gudoomiyaha Gobalka Gedo, Maxamed Muxummed Maxamed, kadib kulan uu guddigu ku yeeshay Muqdisho. “Waxa aan horay u ballan qaadnay in guddigu ugu deeqayo Gobalka […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Ra’iisul wasaare kuxigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Mahdi Maxamuud Guuleed (Khadar) oo ah gudoomiyaha guddiga qaran ee gurmadka fatahaadaha ayaa waxa uu maanta lacag gargaar ah oo dhan $100,000 ku wareejiyay gudoomiyaha Gobalka Gedo, Maxamed Muxummed Maxamed, kadib kulan uu guddigu ku yeeshay Muqdisho.

“Waxa aan horay u ballan qaadnay in guddigu ugu deeqayo Gobalka Gedo lacag Boqol Kun oo doolar ah. Waxa aan hadda lacagtaas ku wareejinnay gudoomiyaha Gobalka Gedo oo aan ka dooneyno in uu si cadaalad ah u gaarsiiyo qoysasaka dhibaatadu kasoo gaartay fatahaadaha”, ayuu yiri Ra’iisul wasaare kuxigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya

- Advertisement -

Gudoomiyaha Gobalka Gedo, Maxamed Muxummed Maxamed, oo gudoomay lacagta gargaarka ah ee loogu tala galay dadka gobalkiisa ee daadadku dhibaateeyeen, ayaa waxa uu ka mahad celiyay gurmadka hor-dhaca ah, waxa uuna ballan qaaday in dadkii loogu tala galay ay gaarsiin doonaan.

Guddiga qaran ee Gurmadka fatahaadaha ayaa tan iyo markii la magacaabay waxa ay wadeen dadaallo loogu gurmanayo dadka iyo deegaannada ay ka jiraan xaaladaha bini’aadninimo ee ka dhashay daadaka, waxaana xubna kamid ah guddigu ay socdaallo ku mareen deegaanno ay daadad ku fataheen halkaas oo ay gaarsiiyeen qaar kamid ah dadkii ay daadadku saameeyeen gargaar isugu jira lacag, raashin, dawo, iyo agab kale oo Muhiim u ah nolosha Aadanaha.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts