HomeWararDhageyso:-Soomaaliland oo laga dalbaday joojinta dadka ay u xirayaan aragtidooda(Warbixin)

Dhageyso:-Soomaaliland oo laga dalbaday joojinta dadka ay u xirayaan aragtidooda(Warbixin)

Date:

Related stories

Wasiir Soomaali oo Geneva ku soo bandhigay horumarka dijitaalka Soomaaliya

WSIS+20 oo ka dhacaya Geneva ma Soomaaliya ay ka mid tahay dalalka hormoodka ah?

FBI oo $150,000 ku bixinaysa Fahad Nur oo Soomaaliya ku sugan

FBI oo $150,000 ku bixinaysa macluumaad horseeda qabashada Fahad Maxamed Nur oo ka baxsaday 2022, laguna eedeeyay inuu $5 milyan ka dhacay barnaamijka quudinta carruurta xilligii COVID-19.

IGAD Mobilises Stakeholders to Advance the Free Movement of Persons Protocol

The Intergovernmental Authority on Development (IGAD) has intensified efforts...

Soomaaliya oo bilaababday mashruuc $12 milyan oo lagu xoojinayo adkeysiga cimilada

Soomaaliya oo bilaabay mashruuc $12 milyan oo lagu xoojinayo adkeysiga cimilada – ma waxay ka caawin doontaa magaalooyinka?

Somalia Pushes for Visa-Free Horn of Africa

Mogadishu hosts a three-day IGAD meeting on easing cross-border movement, as officials push forward a regional integration plan first launched in 2017.

Hay’adda u dooda Xuquuqda Aadanaha ee Human Rights Watch ayaa ka hadashay Silxiladaha Xukunka ee ay Dacwad-oogayaasha Maamulka Somaaliland ku beegsanayaan Aragtida Dadka sida tooska ah uga hadlo Xaallado jira. Warbixin ay Hay’addu soo saartay ayaa lagu sheegay in xariga noocaasi yahay Weerar Khatar ah oo lagu qaaday Xorriyadda Hadalka, iyadoo xarigii ugu dambeeyey ay […]

- Advertisement -

Hay’adda u dooda Xuquuqda Aadanaha ee Human Rights Watch ayaa ka hadashay Silxiladaha Xukunka ee ay Dacwad-oogayaasha Maamulka Somaaliland ku beegsanayaan Aragtida Dadka sida tooska ah uga hadlo Xaallado jira.

Warbixin ay Hay’addu soo saartay ayaa lagu sheegay in xariga noocaasi yahay Weerar Khatar ah oo lagu qaaday Xorriyadda Hadalka, iyadoo xarigii ugu dambeeyey ay Maamulka Somaliland ku xireen Oday Dhaqameed Caan ah oo lagu magacaabo Boqor Cusmaan Buur-madoobe, kaasi oo lagu xukumay xabsi 5 sanno ah

- Advertisement -

Cilmi-baare Hay’adda Human Rights Watch ugu qaabilsan Afrika, Laetitia Bader ayaa sheegtay in Gacanta Adag ee  ay Maamulkaasi ku jawaabaan ay tahay Xadgudub ka dhan ah Xuquuqda Aadanaha, isla markaana ay xumaynayso Aragtida Maamulkaasi.

Dhinaca kale, Hay’adda u dooda Xuquuqda Aadanaha ee Human Rights Watch waxay ugu baaqday Barlamaanka Somaliland inay si degdeg ah u qaadaan Tallaabo lagu baabi’inayo dhamaan Sharciyadda dembi ka dhigayo Xorriyadda Hadalka ee Aragtida Siyaasadda, o oay ku jirto  in la naqdiyo Madaxda Dowladda ama Muuqaalka Qaranka.

Human Rights Watch waxay kaloo ugu baaqday Dacwad-oogayaasha Somaliland inay joojiyaan inay Dacwadaha Dembiyadda loo cuskado Sharciyadda xadgudubak ku ah Xorriyadda Hadalka.

- Advertisement -

Dhinaca kale, Hay’adda waxay soo bandhigtay Xukunadda ay  Maxkamadaha Somaliland xukunka ku rideen Dadka soo bandhigay Aragtidooda Siyaasadeed ama kuwa socdaal ku tegay qeybo ka tirsan Somalia.

Bisha April 19-dii, waxay Boliska Somaliland xireen Oday Dhaqameed Boqor Cusmaan Aw Maxamuud “Buur Madoobe”, kadib, markii uu ku baaqay in ciiddanka Somaliland iyo kuwa Puntland laga wada saaro Gobalka Sool.

Bishii April 26-dii ayuu Dacwad-ooge Somaliland waxa uu Boqor Buur Madoobe ku xukumay 5-sanno, iyadoo dib loo dhigay Rafcaan uu Booqr Buur Madoobe ku codsaday in Kiiskiisa  lagu dhegeysto bishan May 8-dii, inkastoo dib loo dhigay Dhegeysiga Rafcaankiisa.

Bishii April 15-dii, Maxkamadda Hargeysa waxay Abwaanad Naciima Axmed Ibraahim “Naciima Qorane” ku xukuntay 3 sanno, kadib, markii lagu soo oogay inay tiriay Gabay ku aadan Midnimadda Somalila.

Abwaanadda waxa bishan May 7-di ilaga sii daayey Xabsiga, kadib, markii uu Madaxweynaha Maamulka Somaliland, Muuse Biixi Cabdi uu cafis u fidiyey.

Dhageyso Warbixinta Warkaan iyo Wariye Cabduqaadir Jakaarta.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories