Gudiga dib u-eegista Dastuurka labada Aqal ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa hadda leh kulan xasaasi ah oo looga hadlayo Dastuurka dalka iyo qodobo ka mid ah oo maanta loo qaybiyay xildhibaanada golaha shacabka.
Kulan ayaa looga hadlayaa nuqulo ka mid ah Dastuurka oo si wayn loogu faafiyay baraha bulshada lana sheegay in uusan aheyn Dastuurka hada shaqeeya,Kadib markii gudoomiye Muudeey uu sheegay in la xaday Dastuurkii ay qoreen Odayaal dhaqameedyadii 175-ta ahaa.
Xubno ka mid ah Guddiga dib u-eegista Dastuurka labada Aqal oo kulanka ka qeyb galaya ayaa Dalsan u xaqiijiyey in kulanku uu yahay mid xasaasi ah oo ay Albaabadu u xiran yihiin.
Nuqulada Dastuurka ee la soo bandhigay ayaa waxaa ka mid ah qodob cadeynaya maqaamka magaalada Muqdisho Xilhaynta Madaxwaynaha in ay tahay 5-Sano tirade Xildhibaannada in ay tahay 225 halka hadda ay ka tahay 275 Â iyo qodoba kale.
Wixii kulankaas ka soo baxa kala socda Radiodalsan.com