HomeWararWasaaradda Dastuurka oo bilowday wajiga labaad ee dib u eegista Dastuurka

Wasaaradda Dastuurka oo bilowday wajiga labaad ee dib u eegista Dastuurka

Date:

Related stories

Haweenka Suxufiyiinta Soomaaliya oo Weerarro Wajahaya

Suxufiyiin Soomaaliyeed oo Xarig iyo Jirdil Ka Cabanaya

SSUP oo Shir Siyaasadeed uga Qaybgalay Urdun

Xisbiga SSUP ee Soomaaliya oo ka qaybgalay shir siyaasadeed...

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ahna Ku-simaha Wasiirka Mudane Xuseen Cabdi Cilmi ayaa shaaca ka qaaday in Wasaaraddu ay bilowday Wajiga labaad ee howlaha dib loogu eegayo qabyo qoraalka Dastuurka, kaasi oo lagu tababarayo macalimiintii gaarsiin lahayd dastuurka bulshada Soomaaliyeed. Wasiirka ayaa sheegay in uu bilowday Tababar socon doono muddo afar maalin ah kaasi oo […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ahna Ku-simaha Wasiirka Mudane Xuseen Cabdi Cilmi ayaa shaaca ka qaaday in Wasaaraddu ay bilowday Wajiga labaad ee howlaha dib loogu eegayo qabyo qoraalka Dastuurka, kaasi oo lagu tababarayo macalimiintii gaarsiin lahayd dastuurka bulshada Soomaaliyeed.

Wasiirka ayaa sheegay in uu bilowday Tababar socon doono muddo afar maalin ah kaasi oo ay ka qeyb galayaan Xubno ka socda Wasaaraddaha dowlada, maamulka Gobalka Banaadir, Jaamacada Umadda, Dowlad Gobaleedyada iyo Bulshada Rayidka, waxaana looga hadlayaa sidii Dastuurka loo gaarsiin lahaa degmooyinka iyo Deegaanada dalka.

- Advertisement -

“Waxaan galeynaa wajigii Labaad oo ah sidii bulshada looga dhaadhicin lahaa loona gaarsiin lahaa degmo iyo deegaanada Soomaaliya oo dhan, waxaa noo bilowday Tababar socon doono muddo afar maalin ah kaasi oo lagu diyaarinayo dadkii bulshada qeybaheeda kal duwan gaarsiin lahaa Dastuurka, tababarkan waxaa ka horeeyay mid aan furnay Todobaadkii hore oo la yiraahdo Tababarka Tababarayaasha, dadka la tababaray ayaa laga doonayaa inay gaarsiiyaan deegaanada aan ugu tala galnay”.

Mudane Xuseen Cabdi Cilmi ayaa tilmaamay in wajigan Labaad ujeedkiisa uu yahay sidii Bulshada loo bari lahaa Dastuurka iyo wuxuu yahay iyo Kaalinta uu kaga jiro dowladnimada.

“Dadka waxaa la barayaa Dastuur muxuu yahay, Bulshada baahida ay u qabaan, doorka uu kaga jiro Dowladnimada ka dib Warbaahinta ayaa marsiin doono iyadoo su’aalo la iska weydiin doono laakiin hada wacyi galin ayaan diirada saareynaa”.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts