Ciidanka Itoobiya ee ka tirsan howlgalka Midowga Afrika ee AUSSOM, ayaa si rasmi ah uga baxay magaalada Buurhakaba ee gobolka Baay, kadib muddo ku dhow 12 sano oo ay ku sugnaayeen. Gacan ku haynta amniga magaalada waxaa la wareegay Ciidanka Milatariga Soomaaliyeed, kuwaas oo hadda mas’uul ka ah ilaalinta nabadda iyo xasiloonida deegaanka .
Bixitaankan ayaa muhiim u ah sababtoo ah waxa uu ka dhigan yahay isbeddel weyn oo ku yimaada qaabka amniga dalka, iyadoo dowladda Federaalka Soomaaliya ay si tartiib ah u la wareegayso mas’uuliyadda amniga gobolada kala duwan. Tallaabadan ayaa ku soo aadeysa xilli howlgalka AUSSOM uu wajahayo caqabado dhaqaale oo xooggan, iyadoo la filayo in ciidamada shisheeye ay baneeyaan magaalooyin dheeri ah asbuucyada soo socda.
Ciidanka Itoobiya ayaa degmada Buurhakaba gacanta ku hayay laga soo bilaabo 2014, waxayna ka qeyb qaateen howlgalo lagu xoojinayo amniga deegaanka. Bixitaankoodu waxa uu imaanayaa iyadoo Midowga Afrika uu soo dhoweynayo dhammaadka waajibaadkiisa hadda ee 31 December 2026, iyadoo kordhinta howlgalkuna ay ku xirnaan doonto go’aannada Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay iyo helitaanka maalgelin waarta. Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa iyaduna dalbanaysa in bixitaanka ciidanka dib loo dhigo ilaa 2 sano, si loo xoojiyo awoodda ciidamada dalka .
Mas’uuliyiinta dowladda Federaalka ayaa ka walaacsan in bixitaanka ciidamada shisheeye uu abuuri karo jahawareer amni, gaar ahaan haddii ciidamada Soomaaliyeed aysan helin taageerada ay u baahan yihiin. Sidoo kale, go’aankaan ayaa imaanaya xilli ay jiraan cabsi badan oo ku saabsan marinada saadka oo gabaabsi ah, taasoo saamayn ku yeelan karta mustaqbalka howlgalka AUSSOM.
