HomeWararMuqdisho Oo Martigelisay Shir Dhaqaale Oo Muhiim Ah

Muqdisho Oo Martigelisay Shir Dhaqaale Oo Muhiim Ah

Date:

Related stories

Haweenka Suxufiyiinta Soomaaliya oo Weerarro Wajahaya

Suxufiyiin Soomaaliyeed oo Xarig iyo Jirdil Ka Cabanaya

SSUP oo Shir Siyaasadeed uga Qaybgalay Urdun

Xisbiga SSUP ee Soomaaliya oo ka qaybgalay shir siyaasadeed...

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Shirka 4aad ee Siyaasadda Dhaqaalaha oo ay soo qabanqaabisay Bankiga Dhexe ayaa Muqdisho lagu soo gabagabeeyay, iyadoo 75 hay'adood.

- Advertisement -
- Advertisement -

Muqdisho – Shir-sanaadeedkii 4aad ee Siyaasadda Dhaqaalaha, oo uu soo qabanqaabiyay Bankiga Dhexe ee Soomaaliya (BDhS), ayaa lagu soo gabagabeeyay magaalada Muqdisho iyadoo shirku uu socday laba maalmood. Shirkan waxaa ka soo qeyb galay in ka badan 75 hay’adood oo ay ka mid yihiin wasaarado iyo hay’adaha dowladda, hay’adaha caalamiga ah sida Bangiga Adduunka, ururrada bangiyada, xawaaladaha amaahda yar-yar shirkadaha caymiska jaamacadaha machadyada cilmi-baarista, iyo khubaro dhaqaale.


Shirkan ayaa muhiim u ah sababtoo ah waxa uu ka dhigan yahay isku-duwidda hay’adaha dhaqaalaha dalka si looga wada hadlo xasiloonida maaliyadeed iyo saameynta dhimista taageerada dhaqaale ee dibedda. Shirka waxaa si rasmi ah u furay Wasiirka Maaliyadda Mudane Biixi Iimaan Cige isagoo ku ammaanay Bankiga Dhexe qaban-qaabada shirkan sannadlaha ah isla markaana ku booriyey hay’adaha dowladda inay si wadajir ah uga wada shaqeeyaan arrimaha kobcinta dhaqaalaha dalka.

- Advertisement -

Guddoomiyaha Bankiga Dhexe, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi ayaa soo dhaweeyay kaqaybgalayaasha, isagoo ka warbixiyay dadaallada xooggan ee Bankigu ku tallaabsaday dhowrkii sano ee lasoo dhaafay si loo kordhiyo xasiloonida maaliyadeed ee dalka. Waxa uu sheegay in Bankigu sii wadi doono dadaallada lagu xoojinayo nidaamka maaliyadeed iyo kor u qaadida kalsoonida dadweynaha.

Gudoomiye Ku-xigeenka Bankiga Dhexe Dr. Cali Yaasiin Sheekh Cali ayaa faahfaahiyey warbixinta sahanka helitaanka adeegga maaliyadeed oo Bankigu dalka ka sameeyey isagoo kaashanaya hay’adaha kala duwan ee dalka, gaar ahaan Hay’adda Istaatiistikada Qaranka. Waxa uu sheegay in sahankani uu muhiim u yahay sidii loo qiimeyn lahaa baahida bulshada iyo horumarinta adeegyada maaliyadeed.

Xubno ka tirsan Guddiga Maamulka Sare ee Bankiga oo ay ka mid ahaayeen Prof. Xuseen Warsame iyo Dr. Aways Sheekh, ayaa iyana jeediyey khudbado muhiim ah iyagoo soo jeediyey talooyin la xiriira hormarinta dhaqaalaha dalka iyo tayeynta hay’adaha dowladda. Waxay ku nuuxnuuxsadeen muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo iskaashiga u dhexeeya hay’adaha si loo gaaro horumar dhaqaale oo waara.

- Advertisement -

Gabagabadii shirka waxaa si rasmi ah u soo xiray Marwo Xaniifa Maxamed Ibraahim oo ka tirsan Guddiga-maamulka Sare ee Bankiga Dhexe, iyadoo mahadcelin ballaaran u jeedisay dhammaan kaqaybgalayaasha iyo qabanqaabiyeyaasha shirka. Waxay sheegtay in shirku yahay mid muhiim u ah dib-u-habeynta siyaasadda dhaqaalaha dalka iyo xoojinta iskaashiga hay’adaha.

Abdalle Yahye Ali
Abdalle Yahye Alihttps://abdalletech.com/
Website Administrator at Radio Dalsan, focused on content management, design, and digital publishing. Skilled in creating engaging articles and maintaining a clean, user-friendly website experience.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts