Soomaaliya oo Guul Taariikhi ah Ka Gaartay Heshiisyada Caalamiga ah ee Arrimaha Badaha
Muqdisho – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa gaartay guul muhiim ah oo dhanka horumarinta iyo dib-u-soo-celinta doorka dalka ee arrimaha badaha caalamka, kaddib safar shaqo oo heer sare ah oo lagu tegay magaalada London iyo Istanbul.
Mas’uuliyiinta Wasaaradda Gaadiidka ayaa sheegay in intii lagu guda jiray safarkaas lagu guuleystay in Soomaaliya dib loogu diiwaangeliyo 15 heshiis oo caalami ah oo la xiriira badaha iyo gaadiidka badda. Tani waxay noqotay markii ugu horreysay ee taariikhda dalka hal mar lagu diiwaangeliyo heshiisyo intaas le’eg oo heer caalami ah.
Tallaabadan ayaa lagu tilmaamay mid sare u qaadaysa sumcadda Soomaaliya ee hay’adaha caalamiga ah, isla markaana xoojinaysa ka qaybgalka dalka ee nidaamyada iyo heshiisyada muhiimka u ah amniga iyo horumarinta badaha.
Intii uu safarku socday, wafdiga Soomaaliya ayaa sidoo kale ka qayb galay shir caalami ah oo ka dhacay Istanbul, halkaas oo ay kulamo miro-dhal ah la yeesheen hay’ado iyo daneeyayaal caalami ah. Kulamadaas ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga dhinacyada amniga badda, badqabka maraakiibta, horumarinta dekedaha, iyo kobcinta dhaqaalaha buluugga ah.
Mas’uuliyiintu waxay carrabka ku adkeeyeen in Soomaaliya, oo leh xeebta ugu dheer qaaradda Afrika, ay leedahay fursado waaweyn oo dhinaca kalluumeysiga, gaadiidka badda, ganacsiga iyo maalgashiga. Waxay sidoo kale xuseen muhiimadda ay leedahay in dhalinyarada Soomaaliyeed loo abuuro fursado waxbarasho iyo xirfado la xiriira cilmiga badaha si ay uga faa’iideystaan khayraadka ballaaran ee dalka.
Guushan cusub ayaa loo arkaa tallaabo muhiim ah oo Soomaaliya ugu sii dhawaaneyso dib-u-dhiska hay’adaha dowladda, xoojinta xiriirka caalamiga ah, iyo ka faa’iideysiga awoodda dhaqaale ee badaha dalka.
