HomeWararDowladda Federaalka Soomaaliya oo Bilowday Qorshe Ballaaran oo Looga Hortagayo Fatahaadaha

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo Bilowday Qorshe Ballaaran oo Looga Hortagayo Fatahaadaha

Date:

Related stories

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Madaxweyne Xasan oo tababar u soo xiray saraakiil

Madaxweyne Xasan Sheekh oo tababar u soo xiray saraakiil ka qalin jebiyay Dugsiga TURKSOM, isagoo ku bogaadiyay dadaalkooda iyo adkaysigooda.

Dowladda iyo Mucaaradka oo isku afgartay wadahadal

Dowladda Soomaaliya iyo mucaaradka ayaa isku raacay in la sii wado wadahallada ku saabsan hannaanka doorashooyinka, iyadoo la hiigsanayo in shacabku si toos ah uga qayb qaataan doorashooyinka.

Wasiir Soomaali oo kulan la yeeshay Bangiga Adduunka

Wasiirka Isgaarsiinta Maxamed Soomaali oo Geneva kulan la yeeshay Bangiga Adduunka, isagoo ka hadlay Qorshaha Qaran ee DPI iyo iskaashiga caalamiga ah.

Wasiir Soomaali oo Geneva ku soo bandhigay horumarka dijitaalka Soomaaliya

WSIS+20 oo ka dhacaya Geneva ma Soomaaliya ay ka mid tahay dalalka hormoodka ah?

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa billowday qorshe ballaaran oo lagu xoojinayo diyaar garowga fatahaadaha, iyadoo gargaar iyo qorshe degdeg ah loo diyaariyey bulshada nugul.

- Advertisement -

Wasaaradda Gargaarka iyo Hay’adaha Dowladda oo Isku Dubbariday Diyaargarowga Xilli Roobaadka

Muqdisho – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday inay bilowday qorshe qaran oo lagu xoojinayo u diyaar garowga fatahaadaha la filayo xilliga roobaadka, iyadoo la dardargelinayo gurmadka degdegga ah iyo taageerada la gaarsiinayo bulshada nugul.

Mas’uul ka tirsan dowladda oo booqasho ku tegay Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay shaqada ay wasaaraddu qabatay, isagoo ammaanay hoggaanka wasiirka, maamulka wasaaradda iyo kooxda farsamada (Technical Team) ee ka shaqeynaysa qorsheynta iyo ka hortagga musiibooyinka.

- Advertisement -

Mas’uulka ayaa xusay in Soomaaliya ay soo martay xaalado adag oo isugu jiray abaaro iyo fatahaado, isla markaana saadaasha roobabka sanadkan ay muujinayso in meelaha qaar ay wajihi karaan daadad ka xooggan kuwii hore. Wuxuu tilmaamay in magaalooyin iyo deegaanno badan ay u baahan yihiin feejignaan iyo diyaargarow degdeg ah.

Dowladdu waxay sheegtay in qorshaha cusub uu diiradda saarayo yareynta khasaaraha ka dhalan kara fatahaadaha, diyaarinta agabka gurmadka, iyo gaarsiinta gargaar degdeg ah dadka ugu nugul ee ku nool goobaha halista badan.

Sidoo kale waxaa la sheegay in gargaar iyo sahay horudhac ah loo qaybiyey degmooyin kala duwan si loo taageero qoysaska danyarta ah, loona hubiyo in dadka ay saamayntu gaarto ay helaan kaalmo waqtigeeda ku habboon.

- Advertisement -

Qorshahan waxaa si wadajir ah uga shaqeynaya Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka, wasaarado kale oo dowladda ka tirsan, kooxaha farsamada, iyo hay’adaha caalamiga ah ee Soomaaliya ka taageera ka hortagga iyo maareynta musiibooyinka.

Mas’uulka ayaa ugu dambeyn sheegay in dowladda ay sii xoojin doonto iskaashiga ay la leedahay hay’adaha samafalka iyo saaxiibbada caalamiga ah si gargaar degdeg ah loo gaarsiiyo bulshada ku nool goobaha ay fatahaaduhu khatarta ku yihiin, isla markaana loo ilaaliyo nafaha iyo hantida shacabka Soomaaliyeed.

Abdalle Yahye Alihttps://abdalletech.com/
Website Administrator at Radio Dalsan, focused on content management, design, and digital publishing. Skilled in creating engaging articles and maintaining a clean, user-friendly website experience.

Latest stories