HomeXulka WararkaRa'iisul Wasaare Xamsa oo si rasmi ah u furay imtixaanka qaranka

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo si rasmi ah u furay imtixaanka qaranka

Date:

Related stories

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Cabinet reshuffles senior diplomats, appoints new trade chief

Somalia's Council of Ministers, chaired by the federal government,...

‘We lost it ourselves’: Abiy admits internal flaws cost Ethiopia Red Sea

Prime Minister Abiy Ahmed has renewed his government’s argument...

Maersk announces new Turkey-Somalia container surcharge

Maersk, one of the world's largest container shipping companies,...

Somalia, China sign duty-free fishery trade deal

Somalia has secured duty-free access for its fishery products...

Xamsa oo furay imtixaanka qaranka ee dugsiyada sare Muqdisho, Sabti 20 Juun 2026 – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta si rasmi ah u furay bilowga Imtixaanka Shahaadiga ah ee Dugsiga Sare ee Sannadka 2026 iyo gunaanadka Imtixaanka Fasalka 8-aad ee Dugsiga Dhexe ee dalka, isagoo ku bogaadiyay macallimiinta, maamullada […]

- Advertisement -

Xamsa oo furay imtixaanka qaranka ee dugsiyada sare

Muqdisho, Sabti 20 Juun 2026 – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta si rasmi ah u furay bilowga Imtixaanka Shahaadiga ah ee Dugsiga Sare ee Sannadka 2026 iyo gunaanadka Imtixaanka Fasalka 8-aad ee Dugsiga Dhexe ee dalka, isagoo ku bogaadiyay macallimiinta, maamullada dugsiyada iyo ardayda dadaalka ay muujiyeen.

Imtixaankani wuxuu ka mid yahay tiirarka ugu muhiimsan ee Xukuumadda DanQaran, iyadoo waxbarashadu ay tahay halbeegga casriyeynta iyo dhismaha awoodda qaranka Soomaaliyeed. Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in dowladda ay maalgashi xooggan ku samaysay waxbarashada iyada oo ko juhdi iyo dadaal badna galisay mustaqbalka ardayda Soomaaliyeed iyo dhismaha aqoonta, heerarkeeda kala duwan.

- Advertisement -

“Waxbarashadu ma aha wadada guusha oo kaliya, ee waa halbeegga casriyeynta iyo dhismaha awoodda Qaranka Soomaaliyeed, waana tiir adag oo diini ah kaasi oo in badan lagu sheegay Qur’aanka iyo Sunnaha, waxa ayna ina tusinaysa mudnaanta ay leedahay in ardayda wax la baro,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa intaas ku daray in himilooyinka qarni-jirka ah ee Xukuumadda DanQaran iyo Qorshaha Isbeddelka Qaranka (NTP) ay tiir dhexaad u yihiin horumarinta tayada waxbarashada dalka iyo casriyeynta nidaamyada iyo shuruucda kale ee dhanka tacliinta ah. Waxa uu xusay in waxbarashadu aysan ahayn mid lagu kalsoonaan karo gaar ahaan haddii aan la helin nidaam wax ku ool ah.

Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa ku dhiirrigeliyay ardayda sannadkan galaysa imtixaanka qaranka ee dugsiyada dhexe iyo kuwa sare, in ay guul iyo natiijo wanaagsan ka gaaraan, isaga oo bogaadiyay dadaalka Wasaaradda Waxbarashada XFS, macallimiinta Soomaaliyeed iyo maamullada dugsiyada. Waxa uu sheegay in ay yihiin kuwa ugu horreeya ee safka hore ka jira sidii loo gaari lahaa horumar la taaban karo.

- Advertisement -

Imtixaankani waxa uu ka dhacayaa magaalooyinka dalka oo dhan, iyadoo la filayo in tiro badan oo arday ah ay ka qeyb qaataan. Dowladda ayaa sheegtay in la qaaday tallaabooyin lagu hubinayo hufnaanta imtixaanka, iyadoo la joogteeyay kormeer ay wadaan hay’adaha dowladda.

Abdalle Yahye Ali
Abdalle Yahye Alihttps://abdalletech.com/
Website Administrator at Radio Dalsan, focused on content management, design, and digital publishing. Skilled in creating engaging articles and maintaining a clean, user-friendly website experience.

Latest stories