HomeXulka WararkaXukuumada Somalia oo cambaareeyay booqashada Somaliland ee Falastiin

Xukuumada Somalia oo cambaareeyay booqashada Somaliland ee Falastiin

Date:

Related stories

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya – ma waxay horumar ku noqon doontaa kubadda cagta Soomaaliya?

Fire Guts Shops at Mogadishu’s Bakara Market

A major fire tore through Mogadishu's Bakara Market on...

Maxkamad Mumbai oo 44 Soomaali ku xukuntay xabsi daa’in

Maxkamad gaar ah oo ku taal Mumbai ayaa 44 muwaadin Soomaali ah ku xukuntay xabsi daa'in kadib markii ay qireen dembiyada burcad-badeednimo. Ciidanka Badda Hindiya ayaa lagu ammaanay geesinimadooda.

Aabbe oo si kulul uga falceliyay wiilkiisa oo sigaar TikTok Live ku dhaxcabaya

Aabbe Mexico ah ayaa si kulul uga falceliyay wiilkiisa 13 jirka ah markii uu ku arkay isagoo sigaar cabaya TikTok Live. Muuqaalka ayaa dhaliyay dood ku saabsan doorka waalidiinta iyo baraha bulshada.

One Dead as Puntland Security Forces Clash in Bosaso

At least one Puntland Security Force soldier was killed...

Xamsa oo cambaareeyay booqashada Somaliland ee Falastiin Muqdisho, Khamiis 18 Juun 2026 – Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa, kaas oo uu shir-guddoomiyey Ra’iisul Wasaaraha Mudane Xamsa Cabdi Barre, iyadoo lagu soo bandhigay warbixinno ku saabsan imtixaanka qaranka, xaaladda amniga, dhaqaalaha iyo bulshada, isla markaana Goluhu si adag u cambaareeyay tallaabadii […]

- Advertisement -

Xamsa oo cambaareeyay booqashada Somaliland ee Falastiin

Muqdisho, Khamiis 18 Juun 2026 – Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa, kaas oo uu shir-guddoomiyey Ra’iisul Wasaaraha Mudane Xamsa Cabdi Barre, iyadoo lagu soo bandhigay warbixinno ku saabsan imtixaanka qaranka, xaaladda amniga, dhaqaalaha iyo bulshada, isla markaana Goluhu si adag u cambaareeyay tallaabadii Hoggaamiyaha Maamulka Somaliland ee ku tegay dhulka Falastiiniyiinta ay Israa’iil xoogga ku haysato.

Kulankani wuxuu yimid xilli ay Soomaaliya ka soo gudubtay doorashadii nabadda ku soo idlaatay ee Koonfur Galbeed, iyadoo Goluhu uu bogaadiyay hannaanka qof iyo codka, isla markaana uu si gaar ah ugu mahadceliyay Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad Mudane Jibriil Cabdirishiid Xaaji, oo ahaa Hoggaamiyihii ku-meel-gaarka ahaa ee maamulkaasi intii lagu jiray xilligii kala-guurka iyo doorashada.

- Advertisement -

“Golaha Wasiirrada ayaa si adag u cambaareeyay tallaabadii uu Hoggaamiyaha Maamulka Somaliland ku tegay dhulka Falastiiniyiinta ee ay Israa’iil xoogga ku haysato,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre. “Tallaabadaasi waxay si cad uga hor imanaysaa Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, shuruucda caalamiga ah iyo mabaadi’da dhowrista madaxbannaanida dalalka iyo xuquuqaha bulshooyinka dulman.”

Goluhu waxa uu sidoo kale ku bogaadiyay Ciidamada Amniga dadaalka ay ugu jiraan xaqiijinta amniga caasimadda, iyagoo ka hortagay falal amni-darro oo la doonayay in lagu carqaladeeyo nabadgelyada iyo horumarka ka jira dalka. Waxaa lagu soo bandhigay warbixinno ku saabsan qaban-qaabadda maalmaha xorriyadda iyo midoowga, iyo Hannaanka Iskaashiga Horumarineed ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya oo xoogga saaraya horumarka qaranka.

Ugu dambeyn, Golaha Wasiirrada ayaa cod aqlabiyad ah ku ansixiyay xubin ka mid ah Guddiga Madaxa-Bannaan ee Xuquuqul Insaanka Soomaaliya, kaas oo magaciisu yahay Mudane Maxamed Xasan Nuur, ahna sharciyaqaan sare oo kusoo baxay habraac tartan furan ah kaddib markii xubin kale uu xilka banneeyay.

- Advertisement -

  

Abdalle Yahye Ali
Abdalle Yahye Alihttps://abdalletech.com/
Website Administrator at Radio Dalsan, focused on content management, design, and digital publishing. Skilled in creating engaging articles and maintaining a clean, user-friendly website experience.

Latest stories