HomeWararHogaamiye katirsan AS oo isku soo dhiibay dowlada

Hogaamiye katirsan AS oo isku soo dhiibay dowlada

Date:

Related stories

Haweenka Suxufiyiinta Soomaaliya oo Weerarro Wajahaya

Suxufiyiin Soomaaliyeed oo Xarig iyo Jirdil Ka Cabanaya

SSUP oo Shir Siyaasadeed uga Qaybgalay Urdun

Xisbiga SSUP ee Soomaaliya oo ka qaybgalay shir siyaasadeed...

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Mubaarak, Shabeellaha Hoose – 24 May 2026 – Horjooge ka tirsan Khawaarijta oo lagu magacaabo Cali Maxamed Coloow, isagoo wata qori AK47 iyo booshkiisa, ayaa maanta isku soo dhiibay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee deegaanka Mubaarak ee Gobolka Shabeellaha Hoose, ka dib markii uu ka baxsaday howlgalladii ciidamadu ka wadeen tuulada Ugunji. Socodka xubnaha argagixisada ah […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Mubaarak, Shabeellaha Hoose – 24 May 2026 – Horjooge ka tirsan Khawaarijta oo lagu magacaabo Cali Maxamed Coloow, isagoo wata qori AK47 iyo booshkiisa, ayaa maanta isku soo dhiibay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee deegaanka Mubaarak ee Gobolka Shabeellaha Hoose, ka dib markii uu ka baxsaday howlgalladii ciidamadu ka wadeen tuulada Ugunji.

Socodka xubnaha argagixisada ah ee isu dhiibaya ciidamada qaranku wuxuu muujinayaa sida ay u sareyso cadaadiska howlgallada ka dhanka ah Khawaarijta. Horjoogahan ayaa sheegay in uu ka soo dagaalamay Gobollada Hiiraan, Shabeellaha Hoose iyo Shabeellaha Dhexe, ka hor inta aan loo keenin gurmad ahaan tuulada Ugunji.

- Advertisement -

“Noloshu way igu adkaatay, cabsi badan ayaan kala kulmay weerarrada lagu baacsanayo cadowga Khawaarijta ah,” ayuu yiri Cali Maxamed Coloow isagoo ciidamada hor yimid. “Ciidamada Qaranku waxay ku beegsanayaan goobaha aan ku dhuumaaleysanno, taas oo igu kaliftay in maanta isku soo dhiibo.”

Horjoogaha ayaa intaas ku daray in markii uu u adkeysan waayey howlgallada isdabajoogga ah ee ciidamadu ka wadaan deegaannada, uu go’aansaday in uu isku soo dhiibo Geesiyaasha Xoogga Dalka. Waxa uu ku boorriyay dhallinyarada ku biirtay argagixisada in ay ka soo noqdaan, oo ay isu dhiibaan ciidamada.

Saraakiil ka tirsan ciidamada ayaa sheegay in horjoogahan la keenayo muqaalad si looga sii baaraandego caddaynta uu hayo, iyadoo la filayo in lagu daro barnaamijka dib-u-heshiisiinta. Tani waa markii ugu horreysay muddahan dheer oo horjooge Khawaarij ah uu isku dhiibo deegaanka Mubaarak, taas oo muujinaysa guulaha ciidamada qaranku ka gaareen howlgalladooda.

- Advertisement -

Dabayaaqadii, ciidamadu waxay uga mahadceliyeen shacabka deegaanka kaalintooda taageerada amniga, waxayna ku booriyeen in ay sii wargeliyaan ciidamada goobaha ay ka dhuumaaleystaan cadowga.

Abdalle Yahye Ali
Abdalle Yahye Alihttps://abdalletech.com/
Website Administrator at Radio Dalsan, focused on content management, design, and digital publishing. Skilled in creating engaging articles and maintaining a clean, user-friendly website experience.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts