HomeWararDeni oo ka qaatay Mareykanka balanqaad amni iyo maalgashi

Deni oo ka qaatay Mareykanka balanqaad amni iyo maalgashi

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Puntland iyo Mareykanka oo xoojinaya iskaashiga Garoowe, 20 May 2026 – Madaxweynaha Dowladda Puntland, Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, oo uu weheliyo Madaxweyne Ku-xigeenka Ilyaas Cismaan Lugatoor, ayaa maanta Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay wafdi heer sare oo ka socda Dowladda Mareykanka, oo uu hoggaaminayo Ku-xigeenka Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya, Justin Davis, iyo saraakiil ka tirsan Africom oo […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Puntland iyo Mareykanka oo xoojinaya iskaashiga

Garoowe, 20 May 2026 – Madaxweynaha Dowladda Puntland, Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, oo uu weheliyo Madaxweyne Ku-xigeenka Ilyaas Cismaan Lugatoor, ayaa maanta Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay wafdi heer sare oo ka socda Dowladda Mareykanka, oo uu hoggaaminayo Ku-xigeenka Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya, Justin Davis, iyo saraakiil ka tirsan Africom oo uu ka mid yahay Col. Shane Jones, iyadoo kulanka looga hadlay amniga, siyaasadda, maalgashiga iyo ka faa’iidaynta khayraadka dabiiciga ah ee Puntland.

Kulankani wuxuu yimid xilli Puntland ay ka mid tahay gobolada ugu xasilloon Soomaaliya, iyadoo Mareykanku uu doonayo inuu ku taageero dagaalka ka dhanka ah argagixisada, gaar ahaan hawlgallada ka socda buuralayda Calmiskaad. Sidoo kale, waxaa laga wada hadlay xaaladda kala guurka ah ee dalka Soomaaliya iyo doorka Puntland.

- Advertisement -

“Waxaan bogaadinayaa hawlgalada ciidamada Puntland ee ka dhanka ah argagixisada iyo guulaha ay ka gaareen buuralayda Calmiskaad,” ayuu yiri Ku-xigeenka Safiirka Mareykanka, Justin Davis. “Waxaan xusayaa horumarka iyo nabadgelyada ka jirta Puntland, waxaanan ballanqaadayaa taageerada Dowladda Mareykanka ee dhinacyada adkeynta amniga, baahinta adeegyada bulshada, iyo horumarinta dhaqaalaha.”

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in Puntland ay ka go’an tahay xoojinta xiriirka iskaashi ee Mareykanka gaar ahaan dhinacyada maalgashiga khayraadka dabiiciga ah, sida macdanta, kalluumeysiga, iyo shidaalka. Waxa uu intaas ku daray in taageerada Mareykanku ay muhiim u tahay si looga gudbo caqabadaha amniyeed loona horumariyo dhaqaalaha.

Waxaa kulanka ka qaybgalay xubno ka mid ah Golaha Wasiirada, Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada, iyo la-taliyeyaal Madaxweyne. Labada dhinac ayaa isku raacay in la sii wado wadahadalka heer sare, iyadoo la filayo in Mareykanku uu kordhiyo taageerada barnaamijyada horumarineed ee Puntland. Ku-xigeenka safiirka ayaa sheegay in Dowladda Mareykanku ay Puntland u aragto saaxiib istiraatiiji ah oo muhiim u ah xasilloonida Geeska Afrika.

- Advertisement -

Dabayaaqadii, Madaxweyne Deni waxa uu u mahadceliyay Mareykanka taageerada joogtada ah, waxaanu ballan qaaday in Puntland ay sii wadi doonto iskaashiga dhinacyada amniga iyo horumarka dhaqaalaha.

Abdalle Yahye Ali
Abdalle Yahye Alihttps://abdalletech.com/
Website Administrator at Radio Dalsan, focused on content management, design, and digital publishing. Skilled in creating engaging articles and maintaining a clean, user-friendly website experience.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts