Koonfur Galbeed: Jibriil oo ku bogaadiyay codbixinta nabdoon
Baydhabo, 10 May 2026 – Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee Dowladda Koonfur Galbeed, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji, ayaa maanta kormeer ku tagay goobaha cod-bixinta hanaanka Qof iyo Cod, isagoo kaloo ka mid noqday kumanaanka muwaadin ee codkooda dhiibtay, ka dib markuu ku bogaadiyay habsami u socodka iyo ka qaybgalka ballaaran ee shacabka doorashooyinka Golaha Deegaanka iyo Golaha Wakiillada.
Kormeerkani wuxuu yimid iyadoo Koonfur Galbeed ay noqotay mid ka mid ah dowlad goboleedyada Soomaaliya ee ugu horreysa inay si buuxda u hirgeliso nidaamka Qofka iyo Codka, kaas oo lagu beddelay doorashooyinkii dadbanaa ee hore. Tallaabadan waxaa loo arkaa horumar weyn oo loo qaadayay xoojinta dimuqraadiyadda iyo matalaadda tooska ah ee shacabka heer hoose.
“Waxaan aad ugu faraxsanahay inaan maanta ka mid noqdo kumanaanka qof ee codkooda sida dimuqraadiyadda leh u dhiibtay, anigoo ka qeyb galay doorashada Golaha Deegaanka iyo Golaha Wakiilada,” ayuu yiri Hoggaamiye Jibriil isagoo ka hadlay goob codbixin oo ku taal Baydhabo. “Muwaadin codkaaga ayaa beddeli kara mustaqbalka deegaankaaga, bulshadaada iyo jiilka soo koraya.”
Hoggaamiyuhu waxa uu si weyn u bogaadiyay dadaallada guddiyada doorashooyinka, ciidamada amniga, iyo shacabka si ay u soo bandhigeen biseyl iyo yididiilo muujineysa xornimo iyo dimuqraadiyad. Waxa uu sheegay in hirgelinta hanaanka Qof iyo Cod ay muhiim u tahay xoojinta dimuqraadiyadda iyo matalaadda shacabka.
Ujeeddada kormeerka ayaa ahayd in la kuurgalo amniga goobaha cod-bixinta iyo sida ay shacabka uga qeyb qaadanayaan. Hoggaamiye Jibriil ayaa ugu baaqay dhammaan bulshada inay ilaaliyaan nabadda, wadajirka, iyo hufnaanta doorashada si loo xaqiijiyo doorasho xor iyo xalaal ah. Waxa uu sidoo kale u mahadceliyay ciidamada amaanka qeybahooda kala duwan ee si habsami leh uga qeyb qaatay sugidda amniga goobaha codbixinta.
Dadka reer Koonfur Galbeed waxay muujiyeen biseyl iyo yididiilo, iyagoo si isku mid ah codkooda ugu dhiibanaya degmooyinka iyo goobaha laga codeeyo. Hoggaamiyuhu waxa uu mar kale ku booriyay dadka inay banaanka u soo baxaan oo ay u dareeraan goobaha codbixinta si dimuqraadiyad leh u doortaan cida hogaamineysa.

