WAR SAXAAFADEED
Abriil 26, 2026
Waxaan codkayga ku biirinayaa baaqii shalay uu soo jeediyey Madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed uuna taageeray Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud mar ay ka hadlayeen madashii caleema-saarka Ugaas Cabdirisaaq Ugaas Cabdullaahi Ugaas Xaashi oo ahayd madal muujisay baahida ay Soomaalidu u qabto midnimo iyo wadahadal.
Sidoo kale, waxaa xusid mudan kaalintii iyo dadaalladii uu hore u muujiyey Madaxweynihii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ee la xiriiray adkeynta midnimada iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed.
Baaqa Madaxweynayaasha waxaa uu salka ku hayey kaalinta ay duubabka dhaqanka Soomaaliyeed ee ku kulmay caasimadda dalka ay ka qaadan karaan xal u helidda ismari-waaga siyaasadeed ee dalka ka jira.
Haddaba waxaan sidoo kale halkan baaq uga gudbinayaa duubabka Soomaaliyeed inay u istaagaan gudashada waajibkooda, ayna kaalin mug leh ka qaataan sidii loo gaari-lahaa xal siyaasadeed oo looga badbaado dib u laabasho siyaasadeed iyo dagaallo sokeeye.
Ugu dambeyn, waxaan markale madaxda siyaasadda dalka muxaafid iyo mucaarad ugu baaqayaa inaan odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed siinno kaalin dhab ah oo ay ka qaadan karaan geeddi socodka dowlad dhiska Soomaaliya, bacdamaa ayagu ahaayeen kuwii dhisay hannaankii lagu unkay jamhuuriyadda saddexaad ee Soomaaliya.
