HomeWararKoonfur Galbeed oo joojisay duullimaadyadii Baydhabo

Koonfur Galbeed oo joojisay duullimaadyadii Baydhabo

Date:

Related stories

JSP oo Cali Guudlaawe U Doortay Musharraxa Hirshabeelle

Cali Guudlaawe ayaa si rasmi ah loogu aqoonsaday musharraxa Xisbiga Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP) ee doorashada madaxtinimada Hirshabeelle, kaddib go’aan ay xubnaha fulinta xisbiga ku gaareen Muqdisho.

Maaliyadda iyo Arrimaha Dibadda oo Ku Guuleystay Qiimeynta Waxqabadka

Wasaaradaha Maaliyadda iyo Arrimaha Dibadda oo kaalmaha ugu sarreeya ka galay qiimeynta waxqabadka Xukuumadda, laguna guddoonsiiyay abaalmarinno.

Ruushka oo Tareen Rakaab Ku Weeraray Xadka Poland

Boris Johnson oo cambaareeyay weerar drone oo Ruushka lagu eedeeyay inuu ku qaaday tareen rakaab oo ku dhow xadka Poland.

Koonfur Galbeed oo joojisay duullimaadyadii Baydhabo

- Advertisement -
- Advertisement -

Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa si rasmi ah u shaaciyay joojinta degdegga ah ee dhammaan duullimaadyada ganacsiga iyo kuwa gaarka loo leeyahay ee ka imaanaya ama ka baxaya garoomada diyaaradaha ee deegaanadooda, gaar ahaan magaalada Baydhabo.

Qoraal ka soo baxay Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada, oo ku taariikhaysan 18-ka Maarso 2026, ayaa lagu sheegay in amarkan uu dhaqan galay isla maalintaas, islamarkaana uu sii jiri doono “illaa amar dambe.” Wasaaraddu waxay sheegtay in go’aankan loo qaaday si loo ilaaliyo badbaadada shacabka loona sugo nidaamka duulimaadyada, iyadoo la tixgelinayo xaaladda cakiran ee jirta.

- Advertisement -

Go’aanka ayaa ka reebaya oo keliya duullimaadyada ay maamulaan Qaramada Midoobay (UN) iyo AUSSOM, kuwaas oo loo oggolaaday inay sii wadaan howlaha bani’aadannimo, caafimaad iyo kuwa rasmiga ah.

Si kastaba, diyaaradahaas ayaa lagu xaddiday inay qaadaan oo keliya shaqaale iyo xamuul, iyadoo si cad loo faray in aysan qaadi karin siyaasiyiin ama cid kale oo aan haysan oggolaansho rasmi ah.

Wasaaraddu waxay sidoo kale uga digtay shirkadaha diyaaradaha iyo hawl-wadeennada inay si buuxda u ixtiraamaan amarkan, iyadoo sheegtay in cid kasta oo jebisa ay wajihi doonto tallaabooyin sharci ah iyo ciqaabo ka iman kara maamulka.

- Advertisement -

Dhammaan shirkadaha iyo hawl-wadeennada ayaa lagu amray inay joojiyaan duullimaadyada qorshaysan iyo kuwa aan qorshaysnayn, isla markaana ay la shaqeeyaan hay’adaha ay khuseyso si dib loogu habeeyo safarrada rakaabka iyo xamuulka.

Go’aankan ayaa kusoo aadaya xilli ay sii kordhayaan xiisadaha siyaasadeed ee u dhaxeeya Dowladda Federaalka iyo maamulka Koonfur Galbeed, iyadoo tallaabadan ay saameyn ku yeelan karto isu socodka dadka, ganacsiga iyo dhaqdhaqaaqyada siyaasadeed ee ka jira deegaannada maamulkaas.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts