HomeWararJubbaland oo si adag uga jawaabtay diyaarad laga celiyay Muqdisho

Jubbaland oo si adag uga jawaabtay diyaarad laga celiyay Muqdisho

Date:

Related stories

Fire Guts Shops at Mogadishu’s Bakara Market

A major fire tore through Mogadishu's Bakara Market on...

Maxkamad Mumbai oo 44 Soomaali ku xukuntay xabsi daa’in

Maxkamad gaar ah oo ku taal Mumbai ayaa 44 muwaadin Soomaali ah ku xukuntay xabsi daa'in kadib markii ay qireen dembiyada burcad-badeednimo. Ciidanka Badda Hindiya ayaa lagu ammaanay geesinimadooda.

Aabbe oo si kulul uga falceliyay wiilkiisa oo sigaar TikTok Live ku dhaxcabaya

Aabbe Mexico ah ayaa si kulul uga falceliyay wiilkiisa 13 jirka ah markii uu ku arkay isagoo sigaar cabaya TikTok Live. Muuqaalka ayaa dhaliyay dood ku saabsan doorka waalidiinta iyo baraha bulshada.

One Dead as Puntland Security Forces Clash in Bosaso

At least one Puntland Security Force soldier was killed...

Haweeney Ruush ah oo cabasho muusig uga aargoosatay deriskeeda AK-47

Haweeney Ruush ah ayaa cabasho muusig uga jawaabtay deriskeeda iyadoo AK-47 ku ridday gurigeeda. Muuqaalka ayaa si weyn loogu baahiyay baraha bulshada, isagoo dhaliyay falcelinno kala duwan.

Jubbaland oo si adag uga jawaabtay diyaarad laga celiyay Muqdisho

- Advertisement -

Dowladda Jubbaland ayaa si kulul uga jawaabtay go’aankii Dowladda Federaalka Soomaaliya ee maanta hawada ka celisay diyaarad waday wafdiga hordhaca ah iyo ilaalada gaarka ah ee Madaxweynaha Jubbaland, Mudane Axmed Maxamed Islaam (Madoobe), xilli ay kusoo wajahnaayeen magaalada Muqdisho.

Bayaan rasmi ah oo ay soo saartay Madaxtooyada Jubbaland ayaa tallaabadan lagu tilmaamay mid xilkasnimo-darro ah, isla markaana halis weyn gelisay nolosha wafdiga iyo ciidamadii ilaalada u ahaa. Diyaaradda ayaa la sheegay in xilli ay ku dhowaatay inay ka degto Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde si lama filaan ah loogu faray inay dib ugu laabato magaalada Kismaayo, iyadoo aan la hubin in ay haysatay shidaal ku filan oo ay kusoo laaban karto, taas oo Jubbaland ku tilmaantay mas’uuliyad-darro iyo cadownimo cad.

- Advertisement -

Sidoo kale, Jubbaland ayaa sheegtay in diyaaradihii rayidka ahaa qaarkood maanta laga celiyay Garoonka Muqdisho, arrintaas oo sii muujinaysa qalalaase amni iyo khatar ka dhalan karta tallaabooyinka Dowladda Federaalka.

Bayaan-ka ayaa Dowladda Federaalka ku eedeeyay in ay si ula kac ah u baajinayso shirka Wadatashiga ee Muqdisho, isla markaana aysan muujinayn niyad-sami ama diyaar garow dhab ah oo lagu xallinayo xaaladda siyaasadeed ee cakiran ee dalka.

Jubbaland waxay sidoo kale beenisay wararka sheegaya in guddiyada wadajirka ah ay heshiis ka gaareen arrimaha martigelinta ama tirada ilaalada, iyada oo caddeysay in aan wax heshiis ah arrimahaas laga gaarin, isla markaana wararkaasi yihiin kuwo aan sal lahayn.

- Advertisement -

Ugu dambeyn, Jubbaland ayaa sheegtay in ay sii wadi doonto dadaallada ku aaddan helidda xal siyaasadeed oo waara iyo qabsoomidda shirka Wadatashiga, balse ay xustay in tallaabooyinka Dowladda Federaalka ay abuureen xaalado amni oo halis ah iyo su’aalo la xiriira kalsoonida dowladda.

Latest stories