HomeWararMaxkamadda Gobolka Banaadir oo ka laabatay Waarankii Axmed Madoobe

Maxkamadda Gobolka Banaadir oo ka laabatay Waarankii Axmed Madoobe

Date:

Related stories

Mucaaradka oo caalamka kala hadlay khilaafka doorashada

Mucaaradka oo caalamka kala hadlay khilaafka doorashada Muqdisho, 9 Juun...

Sheekada Ninkii Ugu Horreeyay Ee Lacag Ku Qanciya Gabar

Sheekada Ninkii Ugu Horreeyay Ee Lacag Ku Qanciya Gabar Waxaa...

Koonfur Galbeed oo degmooyinka ku xoojinaysa adkaysiga abaarta

Koonfur Galbeed oo waayo-aragnimo abaareed la wadaagtay Muqdisho, 8 Juun...

FESTU oo Geneva ka qaylisay: Shaqaalaha iyo dhalinyarada Soomaaliyeed waa lagama maarmaan

FESTU: “Wadahadal la’aan ma jirto nabad” Geneva, Switzerland – 6...

TUBSAN iyo Talyaaniga oo xoojinaya dagaalka argagixisada

TUBSAN iyo Talyaaniga oo xoojinaya dagaalka argagixisada Muqdisho, 06 Juun...
- Advertisement -

Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday inay ka laabatay waarankii hore ee soo qabashada Madaxweynaha Jubbaland, Mudane Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe).

Qaraar ka soo baxay maxkamadda maanta oo taariikhdiisu tahay 29/01/2026 ayaa lagu sheegay in la baabi’iyay amarkii xarigga ee hore loogu soo saaray Axmed Madoobe, kadib codsi iyo dib-u-eegis sharciyeed oo la xiriira kiiskaasi.

- Advertisement -

Go’aankan ayaa waxaa uu jeedkiisu yahay in lagu tixgeliyo xaaladda siyaasadeed iyo wada-hadallada socda ee u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo hoggaanka Jubbaland.

Sidoo kale, tallaabadan ay qayb ka tahay dadaallada lagu xoojinayo wadahadalka siyaasadeed iyo dejinta khilaafka u dhexeeya Villa Somalia iyo Jubbaland, inkastoo weli Dowladda Federaalka aysan si buuxda u aqoonsan xilka Madaxweyne Axmed Madoobe, sida ka muuqata qoraalka maxkamadda.

Dhanka kale, Maamulka Jubbaland ayaa horey u soo saaray waaran soo qabasho ah oo ka dhan ah Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, taas oo sii hurisay xiisadda siyaasadeed ee labada dhinac.

- Advertisement -

Khilaafkan ayaa salka ku haya muran siyaasadeed oo muddo soo jiitamayay, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka, awood qeybsiga, iyo maamulka gobollada.

Sidoo kale, horay Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ciidamo u geysay deegaanka Raaskambooni, halkaas oo ay ka dhaceen dagaallo culus. Dagaalladaas ayaa sababay in tiro ciidamo ah la qabto, halka kuwo kalena ay u gudbeen gudaha dalka Kenya.

Latest stories