HomeWararIlhaan Cumar oo ka badbaaday isku day dil xilli ay khudbad ka...

Ilhaan Cumar oo ka badbaaday isku day dil xilli ay khudbad ka jeedinaysay Minneapolis

Date:

Related stories

Haweenka Suxufiyiinta Soomaaliya oo Weerarro Wajahaya

Suxufiyiin Soomaaliyeed oo Xarig iyo Jirdil Ka Cabanaya

SSUP oo Shir Siyaasadeed uga Qaybgalay Urdun

Xisbiga SSUP ee Soomaaliya oo ka qaybgalay shir siyaasadeed...

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Ilhaan ayaa dhacdada ka dib ka hadashay weerarka

- Advertisement -
- Advertisement -

Xildhibaanadda Congress-ka Mareykanka Ilhaan Cumar ayaa ka badbaaday isku day weerar oo ka dhacay kulan dadweyne oo ay ku lahayd magaalada Minneapolis, kaddib markii nin rabshad wataa uu ku buufiyay dareere aan la garanayn noociisa, balse lahaa ur aan habboonayn.

Kulanka ayaa Talaadadii ka socday Minneapolis, xilli Ilhaan Cumar ay si adag u cambaareyneysay tallaabooyinka Hay’adda Socdaalka iyo Kastamyada Mareykanka (ICE) ee ka socda gobolka Minnesota.

- Advertisement -

Muuqaallo si weyn ugu faafay baraha bulshada ayaa muujinaya nin si degdeg ah ugu soo ordaya Ilhaan Cumar oo taagnayd masraxa, kuna buufinaya dareerahaas. Nin kale oo goobta joogay ayaa isla markiiba soo farageliyay, qabtay eedeysanaha, dhulka ku tuuray kana hor istaagay inuu waxyeello sii geysto.

Ilhaan Cumar ayaa dhowr tallaabo u qaadday dhinaca ninkaasi iyadoo gacanta kor u taagtay, ka hor inta uusan si buuxda u xakamayn amniga. Kaddib hakad kooban, waxay mar kale sii wadatay khudbaddeedii, iyadoo muujisay adkeysi iyo deggenaan.

Ilhaan ayaa dhacdada ka dib ka hadashay weerarka, iyadoo qoraal lagu baahiyay baraha bulshada lagu sheegay in nin kicin wada uu isku dayay inuu waxyeelleeyo xildhibaanadda, balse ay si degdeg ah u farageliyeen ciidamada amniga iyo Booliska Minneapolis, shakhsigiina la xiray. Waxa kale oo lagu xaqiijiyay in Ilhaan Cumar ay caafimaad qabto.

- Advertisement -

Qoraal ay soo dhigtay barta X, Ilhaan Cumar ayaa tiri:
“Waan fiicanahay. Waxaan ahay qof badbaaday, kicintan yarina igama horjoogsan doonto gudashada waajibaadkayga. Uma oggolaado cagajugleeyeyaasha inay guuleystaan.”

Dhacdada kaddib, Ilhaan ayaa dadka hoolka ku sugnaa u sheegtay in ay sii wadi doonaan halgankooda, iyadoo ku dhawaaqday:
“Waan sii wadi doonnaa… Minnesota waa mid xooggan

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts