HomeWararWasiir Cali Balcad oo Xog Cusub ka Bixiyay Safarka Qarsoon ee Muqdisho...

Wasiir Cali Balcad oo Xog Cusub ka Bixiyay Safarka Qarsoon ee Muqdisho lagu Keenay Caydaruus Al-Subeydi

Date:

Related stories

Koonfur Galbeed oo degmooyinka ku xoojinaysa adkaysiga abaarta

Koonfur Galbeed oo waayo-aragnimo abaareed la wadaagtay Muqdisho, 8 Juun...

FESTU oo Geneva ka qaylisay: Shaqaalaha iyo dhalinyarada Soomaaliyeed waa lagama maarmaan

FESTU: “Wadahadal la’aan ma jirto nabad” Geneva, Switzerland – 6...

TUBSAN iyo Talyaaniga oo xoojinaya dagaalka argagixisada

TUBSAN iyo Talyaaniga oo xoojinaya dagaalka argagixisada Muqdisho, 06 Juun...

Somalia Strengthens Ebola Preparedness Amid Regional Outbreak Risks

Somalia has stepped up Ebola preparedness, though no cases have been confirmed. The Ministry of Health has activated the National Public Health Emergency Operation Center and introduced electronic traveler health forms to strengthen border surveillance. Officials urge the public to remain calm, follow official health guidelines, and avoid misinformation.

Police Target illegal arms after deadly confrontation

Somali government security forces deployed across Mogadishu's Abdiaziz district...
- Advertisement -

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Cali Cumar Balcad, ayaa faahfaahin cusub ka bixiyay safar qarsoodi ah oo hoggaamiyaha Koonfurta Yemen, Caydaruus Al-Subeydi, lagu keenay magaalada Muqdisho, kaas oo uu sheegay in lagu fuliyay si ka baxsan oggolaanshaha dowladda Soomaaliya.

Wasiir Cali Balcad oo wareysi siiyay AlJazeera ayaa sheegay in Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta (UAE) ay si khaldan u adeegsatay hawada Soomaaliya, isla markaana aysan wax wargelin ah siin hay’adaha rasmiga ah ee dowladda federaalka, arrintaas oo uu ku tilmaamay xadgudub cad oo ka dhan ah madax-bannaanida qaranka.

- Advertisement -

Wuxuu xusay in tallaabadan aysan ku jirin wax heshiis ah oo hore u dhexmaray Soomaaliya iyo Imaaraadka, isla markaana ay ka mid ahayd sababihii dedejiyay go’aannadii ay dowladda Soomaaliya ka qaadatay Imaaraadka Carabta.

Sida uu wasiirku sheegay, diyaaradda sidday Caydaruus Al-Subeydi ayaa ku degatay Terminalka 23 ee garoonka diyaaradaha Muqdisho, kaas oo ay wada isticmaalaan diyaaradaha Mareykanka, Boqortooyada Midowday (UK), Turkiga iyo Imaaraadka. Waxa uu intaas ku daray in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud horey u bixiyay amar ah in aan la baari karin diyaaradaha ka degaya terminalkaas, taas oo sare u qaadday walaaca la xiriira amniga iyo habraacyada dowladda.

Dhanka kale, Wasiir Cali Balcad ayaa sheegay in maalmo ka hor ay jireen dadaallo ay sameeyeen shaqsiyaad taageersan dowladda oo lagu doonayay in lagu yareeyo ama lagu beeniyo dhacdadan, balse dadaalladaas aysan guuleysan kaddib markii ay soo baxeen xaqiiqooyin dheeraad ah.

- Advertisement -

Arrintan ayaa imaneysa xilli xiriirka u dhexeeya Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta uu marayo marxalad xasaasi ah, iyadoo dowladda Soomaaliya ay qaadday tallaabooyin ay ku muujinayso adkeynta ilaalinta madax-bannaanideeda iyo xakamaynta hawadeeda.

Latest stories