HomeWararGolaha Shacabka BFS oo ansixiyay Axdiga Xakameynta Tubaakada

Golaha Shacabka BFS oo ansixiyay Axdiga Xakameynta Tubaakada

Date:

Related stories

FESTU oo Geneva ka qaylisay: Shaqaalaha iyo dhalinyarada Soomaaliyeed waa lagama maarmaan

FESTU: “Wadahadal la’aan ma jirto nabad” Geneva, Switzerland – 6...

TUBSAN iyo Talyaaniga oo xoojinaya dagaalka argagixisada

TUBSAN iyo Talyaaniga oo xoojinaya dagaalka argagixisada Muqdisho, 06 Juun...

Somalia Strengthens Ebola Preparedness Amid Regional Outbreak Risks

Somalia has stepped up Ebola preparedness, though no cases have been confirmed. The Ministry of Health has activated the National Public Health Emergency Operation Center and introduced electronic traveler health forms to strengthen border surveillance. Officials urge the public to remain calm, follow official health guidelines, and avoid misinformation.

Police Target illegal arms after deadly confrontation

Somali government security forces deployed across Mogadishu's Abdiaziz district...

Somali Police Display Weapons Cache After 20 Hours of Mogadishu Clashes

Somali police forces on Thursday showcased a large cache...
- Advertisement -

Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta si aqlabiyad leh u ansixiyay Axdiga Xakameynta Tubaakada, kaddib kulan rasmi ah oo ka dhacay xarunta Golaha Shacabka.

Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Shacabka ayaa ku dhawaaqay natiijada ansixinta, taas oo ku timid cod gacan taag ah, isla markaana muujisay taageero ballaaran oo loo hayo axdigan.

- Advertisement -

Ansixinta Axdigan ayaa la sheegay inay door weyn ka qaadan doonto xakameynta isticmaalka tubaakada, yareynta khataraha caafimaad, iyo ilaalinta caafimaadka bulshada.

Wasiirka Caafimaadka, Dr. Cali Xaaji Aadan, ayaa soo dhaweeyay ansixinta, isagoo sheegay in axdigu quseeyo dhammaan noocyada tubaakada, islamarkaana uu muhiim u yahay badbaadinta bulshada Soomaaliyeed.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la filayaa inay qaaddo tallaabooyin lagu dhaqan-gelinayo axdigan, si loo helo bulsho caafimaad qabta loogana hortago dhibaatooyinka ka dhasha tubaakada.

Latest stories