HomeWararSoomaaliya oo Soo Dhoweysay Safiirro Cusub oo ka socda 8 Dal oo...

Soomaaliya oo Soo Dhoweysay Safiirro Cusub oo ka socda 8 Dal oo Saaxiib ah

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Madaxweynaha Jamhuuriyadda

- Advertisement -
- Advertisement -

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa munaasabad ka dhacday Madaxtooyada Qaranka kaga guddoomay Warqadaha Aqoonsiga Danjirenimo safiirro ka socda siddeed dal: Masar (Mohamed Salah Keshtah), Indonesia (Witjaksono Adji), Sweden (Hans Henric Lundvqist), Cuba (Inés Fors Fernandez), Canada (Joshua Brenber Tabah), Finland (Riina Riikka Heikka), Norway (Siv Cathrine Moe) iyo Spain (Jaime Alejandro Moreno Bua).

Madaxweynaha ayaa safiirrada ugu hambalyeeyay xilalka loo magacaabay, isagoo u xaqiijiyay in dowladda iyo shacabka Soomaaliya ay soo dhoweynayaan, uguna garab taagan yihiin gudashada waajibaadkooda diblomaasiyadeed, gaar ahaan xoojinta iskaashiga iyo xiriirka labo geesoodka ah.

- Advertisement -

Danjireyaasha cusub ayaa Madaxweynaha u gudbiyay salaan iyo farriimo ay ka sideen hoggaanka dalalkooda, waxayna muujiyeen mudnaanta ay siinayaan horumarinta xiriirka diblomaasiyadeed ee ay la leeyihiin Soomaaliya. Sidoo kale waxay uga mahad celiyeen qaabilaadda iyo soo dhoweynta bannaanka wanaagsan ee loogu sameeyay Villa Somalia.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts