HomeWararRa’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Soomaaliya oo Ka Qaybgalay Shirweynaha Midowga Afrika iyo Midowga...

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Soomaaliya oo Ka Qaybgalay Shirweynaha Midowga Afrika iyo Midowga Yurub

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,

- Advertisement -
- Advertisement -

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Saalax Axmed Jaamac, ayaa magaalada Luanda ee dalka Angola uga qaybgalay Shirweynaha Midowga Afrika iyo Midowga Yurub, kaas oo diiradda lagu saarayo xoojinta iskaashiga qaaradaha Afrika iyo Yurub.

Soomaaliya ayaa madasha ku soo bandhigtay guulaha la gaaray sanadihii u dambeeyay, gaar ahaan dhinacyada nabadeynta, amniga, dowlad-dhiska, iyo dib-u-habeynta maaliyadda.

- Advertisement -

Mudane Saalax, oo khudbad ka jeediyay shirka, ayaa carrabka ku adkeeyay:

  • In Soomaaliya ay si joogto ah u dar-dar gelisay tayeynta hay’adaha dowliga ah

  • Dib-u-habeynta amniga iyo la-dagaallanka kooxaha xagjirka

    - Advertisement -
  • Doorka muhiimka ah ee Midowga Afrika iyo Midowga Yurub ay ku leeyihiin taageerada xasilloonida dalka

Dhinaca horumarinta dhaqaalaha, Ra’iisul Wasaare ku-xigeenku wuxuu xusay guulaha waaweyn ee la gaaray, oo ay ku jiraan ka bixitaanka barnaamijka dayn-cafiska HIPC iyo ku biirista Bulshada Bariga Afrika (EAC), fursado cusubna u furay Soomaaliya dhinacyada ganacsiga iyo maalgashiga.

Ugu dambeyn, Mudane Saalax ayaa ugu baaqay labada dhinac — Afrika iyo Yurub — in ay sii xoojiyaan iskaashi ku dhisan kalsooni, wadajir iyo mas’uuliyad wadaag, si loo dhiso mustaqbal xasilloon, horumar leh oo ay bulshooyinka labada qaaradood ka wada faa’iideystaan.


Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts