HomeWararIn ka badan 20 qof oo ku sumoobay cunto ay cuneen degmada...

In ka badan 20 qof oo ku sumoobay cunto ay cuneen degmada Xarshin ee Dowlad Deegaanka Soomaalida

Date:

Related stories

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Xasan Sheekh oo Belgrade Fariin Adag Ka Jeediyay

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Belgrade uga qaybgalaya shir lagu xusayo 65-guuradii Dhaqdhaqaaqa Dalalka Aan Isbahaysiga Ahayn,

Koonfur Galbeed Oo Ansixisay Dib-u-eegista Miisaaniyadda 2026

Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed ayaa ansixiyey dib-u-eegista miisaaniyadda 2026, kadib dood iyo falanqeyn dheer oo ku saabsan dakhliga, deeqaha iyo kharashaadka dowladda.

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Ugu yaraan 24 qof oo iskugu jira rag iyo dumar ayaa ku sumoobay degmada Xarshin ee gobolka Faafan ee Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya, kadib markii ay cunaan cunto la sheegay in ay sumeysan tahay, sida uu xaqiijiyay xafiiska caafimaadka ee degmada. Dadkan oo ahaa shaqaale ka shaqeynayay berkad halkaas laga dhisayo, ayaa la sheegay in […]

- Advertisement -

Ugu yaraan 24 qof oo iskugu jira rag iyo dumar ayaa ku sumoobay degmada Xarshin ee gobolka Faafan ee Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya, kadib markii ay cunaan cunto la sheegay in ay sumeysan tahay, sida uu xaqiijiyay xafiiska caafimaadka ee degmada.

Dadkan oo ahaa shaqaale ka shaqeynayay berkad halkaas laga dhisayo, ayaa la sheegay in ay cuneen bariis lagu daray caano, taas oo la tuhunsan yahay in ay sababtay sumowga.

- Advertisement -

Cabdiraxmaan Jamaal Cabdi, madaxa xafiiska caafimaadka ee degmada Xarshin, ayaa u sheegay Laanta Afka Soomaaliga ee BBC in dadkaasi ay si wadajir ah u cuneen cuntadaas ka hor intii aanay ka caban xanuunno la xiriira sumowga.

“Wixii ugu dambeeyay ee ay cunaan waxay ahayd bariis caano lagu daray, balse weli lama hubin in cuntooyinkaasi yihiin sababta rasmiga ah ee sumowga,” ayuu yiri Cabdiraxmaan Jamaal.

Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in dadka la xanuunsaday ay ahaayeen 20 nin iyo afar dumar ah, kuwaas oo qaarkood xaaladdooda caafimaad lagu dabiibayo xarunta caafimaadka ee degmada Xarshin.

Mas’uuliyiinta caafimaadka ayaa sheegay in baaritaan lagu wado sababta dhabta ah ee keentay sumowga, inkastoo ay sheegeen in bariisku aanu ahayn mid dhacay, balse caanaha lagu daray laga yaabo in ay ahaayeen kuwa aan ku habboonayn cunista.

Latest stories