HomeWararDiiwaangelinta Codbixiyeyaasha oo laga bilaabay Degmada Warsheekh ee Gobolka Shabeellaha Dhexe

Diiwaangelinta Codbixiyeyaasha oo laga bilaabay Degmada Warsheekh ee Gobolka Shabeellaha Dhexe

Date:

Related stories

Once a Man’s World, Now a Shared Space: Women Transform Mogadishu’s Fish Market.

Every morning, as the sun rises over Mogadishu’s coastline,...

Somali Pirates Hijack Tanker ASANA

MOGADISHU – Somali pirates hijacked the oil tanker ASANA off...

Turkey excludes Somalia from e-Visa expansion

Turkey has expanded its electronic visa (e-Visa) system to...

Danab forces overrun Al-Shabaab stronghold near Jilib

The National Army’s elite Danab commandos have overrun a...

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Guddiga Doorashooyinka Madaxa-bannaan ee Qaranka (NIEC) ayaa maanta si rasmi ah u bilaabay ololaha diiwaangelinta codbixiyeyaasha degmada Warsheikh, oo ku taal qiyaastii 60 kiiloomitir bariga caasimadda, Muqdisho, ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

- Advertisement -

Guddiga Doorashooyinka Madaxa-bannaan ee Qaranka (NIEC) ayaa maanta si rasmi ah u bilaabay ololaha diiwaangelinta codbixiyeyaasha degmada Warsheikh, oo ku taal qiyaastii 60 kiiloomitir bariga caasimadda, Muqdisho, ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Xubnaha NIEC ee ku sugan degmada ayaa daahfuray hawsha diiwaangelinta xaflad ay ka soo qaybgaleen mas’uuliyiin ka tirsan maamulka deegaanka.

- Advertisement -

Inta lagu guda jiray daahfurka, xubnaha guddiga iyo mas’uuliyiinta degmada ayaa ku boorriyay dadka deggan Warsheikh iyo meelaha u dhow inay si firfircoon uga qayb qaataan hawsha diiwaangelinta codbixiyeyaasha, iyagoo ku nuuxnuuxsaday in codbixintu ay tahay xuquuq dastuuri ah iyo tallaabo muhiim ah oo lagu qaabeynayo mustaqbalka dimuqraadiga ah ee qaranka.

Farqiga u Dhexeeya Guddiga Cusub & Guddigii Hore

Hindise-sharciyeedka Dhismaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha waxa uu meelo badan kala mid yahay sharcigii hore ee lagu dhisay Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka. Waxaa kamid ah muddada lixda sano ah ee xubnaha Guddiga, xaruntiisa in ay tahay Muqdisho, miisaaniyadda u gaarka ah, iyo in uu yeelanayo howlwadeenno maamul oo u gaar ah.

Sikastaba ha ahaatee, waxaa jira labo farqi oo u dhexeeya labada guddi. Midda koowaad, Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha waxa uu ka shaqeyn doonaa arrimaha doorashooyinka iyo xuduudaha. Midda labaad, Guddigii hore wuxuu ahaa guddi ka kooban 9 xubnood, halka Guddigan cusub xubnaha la labo jibbaarayo uuna yeelan doono 18 xubnood.

- Advertisement -

Muxuu Soomaaliya Uga Dhigan Yahay Hindise-sharciyeedka Dhismaha Guddiga Doorashada?

Hindise-sharciyeedka dhowr saameyn ayuu ku yeelan doonaa siyaasadda Soomaaliya. Ugu horreyn, si uu u hirgeliyo waajibaadkiisa – oo ah maamulidda doorashooyinka goleyaasha deegaanka, doorashooyinka baarlamaannnada iyo madaxtooyada dowlad-goboleedyada, doorashooyinka baarlamaanka iyo madaxweynaha dowladda federaalka – Guddiga cusub waxa uu la kulmi doonaa caqabado aad u waaweyn, oo ay ka mid yihiin aqbalaad la’aanta Puntland iyo siyaasiyiin muhiim ah ee katirsan mucaaradka oo iyaga su’aalo ka qaba dhismaha hal hay’ad maamul doorasho oo heer qaran ah. Waxaa jira daneeyayaal aaminsan in maadaama nidaam federaal la qaatay doorashooyinka heerka dowlad-goboleed ay tahay in ay maamulaan hay’ado maareya doorashooyinka oo heer dowlad-goboleed ah.

Abdalle Yahye Ali
Abdalle Yahye Alihttps://abdalletech.com/
Website Administrator at Radio Dalsan, focused on content management, design, and digital publishing. Skilled in creating engaging articles and maintaining a clean, user-friendly website experience.

Latest stories