HomeWararGalmudug oo Mamnuucday Soo Dejinta Gaadiidka Ciidamada ee Dekedda Hobyo

Galmudug oo Mamnuucday Soo Dejinta Gaadiidka Ciidamada ee Dekedda Hobyo

Date:

Related stories

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Xasan Sheekh oo Belgrade Fariin Adag Ka Jeediyay

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Belgrade uga qaybgalaya shir lagu xusayo 65-guuradii Dhaqdhaqaaqa Dalalka Aan Isbahaysiga Ahayn,

Koonfur Galbeed Oo Ansixisay Dib-u-eegista Miisaaniyadda 2026

Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed ayaa ansixiyey dib-u-eegista miisaaniyadda 2026, kadib dood iyo falanqeyn dheer oo ku saabsan dakhliga, deeqaha iyo kharashaadka dowladda.

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Wasaaradda Amniga ee Maamulka Galmudug ayaa maanta si rasmi ah u shaacisay go’aan cusub oo lagu joojinayo soo dejinta iyo rarista gaadiidka nooca Toyota 4WD (Cabdibile) ee dekedda Hobyo, kuwaas oo si weyn ay u adeegsadaan ciidamada iyo kooxaha hubeysan. Qoraal kasoo baxay Wasaaradda ayaa lagu sheegay in laga bilaabo maanta aan laga soo dejin […]

- Advertisement -

Wasaaradda Amniga ee Maamulka Galmudug ayaa maanta si rasmi ah u shaacisay go’aan cusub oo lagu joojinayo soo dejinta iyo rarista gaadiidka nooca Toyota 4WD (Cabdibile) ee dekedda Hobyo, kuwaas oo si weyn ay u adeegsadaan ciidamada iyo kooxaha hubeysan.

Qoraal kasoo baxay Wasaaradda ayaa lagu sheegay in laga bilaabo maanta aan laga soo dejin karin gaadiidkan dekedda Hobyo, iyadoo amar adag la siiyay dhammaan shirkadaha, ganacsatada iyo hay’adaha ku lugta leh ganacsiga gaadiidkaas.

“Cid kasta oo jebisa amarkan waxaa loo arki doonaa mid la shaqeysa argagixisada iyo dambiilayaasha hubeysan, waxaana laga qaadi doonaa tallaabo adag oo sharciga waafaqsan,” ayaa lagu yiri bayaanka.

- Advertisement -

Wasaaradda Amniga Galmudug ayaa sheegtay in go’aankan uu qeyb ka yahay dadaallada lagu xoojinayo amniga gobolka, loogana hortagayo in gaadiid noocan ah u gacan galo kooxo falal amni darro ka wada deegaanada Galmudug iyo nawaaxigeeda.

Maamulka Galmudug ayaa ugu baaqay dhammaan shirkadaha ganacsiga, wakiillada dekedda, iyo ganacsatada madaxa banaan inay si buuxda uga qeyb qaataan hirgelinta go’aankan, kana fogaadaan wax kasta oo carqaladeyn kara amniga iyo xasilloonida gobolka.


Dekedda Hobyo oo muhiim u ah isku xirka ganacsiga gobolka iyo caalamka, ayaa muddooyinkii dambe kusoo badanayay dhaqdhaqaaqyada ganacsi ee gaadiidka nooca “Cabdibile”. Go’aankan cusub ayaa lagu tilmaamayaa mid xoojinaya awoodda maamulka Galmudug ee la-dagaalanka falalka amni darro iyo ilaalinta dekedda muhiimka ah ee Hobyo.

Latest stories