HomeWararWasaaradda Difaaca Afghanistan oo Pakistan ku eedeysay duqeymo cirka ah iyo ku...

Wasaaradda Difaaca Afghanistan oo Pakistan ku eedeysay duqeymo cirka ah iyo ku xadgudub hawadeed

Date:

Related stories

Once a Man’s World, Now a Shared Space: Women Transform Mogadishu’s Fish Market.

Every morning, as the sun rises over Mogadishu’s coastline,...

Somali Pirates Hijack Tanker ASANA

MOGADISHU – Somali pirates hijacked the oil tanker ASANA off...

Turkey excludes Somalia from e-Visa expansion

Turkey has expanded its electronic visa (e-Visa) system to...

Danab forces overrun Al-Shabaab stronghold near Jilib

The National Army’s elite Danab commandos have overrun a...

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Wasaaradda Difaaca ee Dowladda Federaalka Afghanistan ayaa si kulul u cambaareysay waxa ay ku tilmaantay ku xadgudub ballaaran oo dhanka hawada ah oo ay ciidamada cirka ee Pakistan ka geysteen gudaha Afghanistan, iyagoo beegsaday laba goobood oo ay mid kamid ah ku taallo magaalada Kabul. Qoraal rasmi ah oo lagu baahiyay barta rasmiga ah ee […]

- Advertisement -

Wasaaradda Difaaca ee Dowladda Federaalka Afghanistan ayaa si kulul u cambaareysay waxa ay ku tilmaantay ku xadgudub ballaaran oo dhanka hawada ah oo ay ciidamada cirka ee Pakistan ka geysteen gudaha Afghanistan, iyagoo beegsaday laba goobood oo ay mid kamid ah ku taallo magaalada Kabul.

Qoraal rasmi ah oo lagu baahiyay barta rasmiga ah ee Wasaaradda Gaashaandhigga ee baraha bulshada, gaar ahaan barta ‘X’ (horey Twitter), ayaa lagu sheegay in diyaaradaha dagaalka ee Pakistan ay mar kale jebiyeen xuduudaha hawada Afghanistan, ayna duqeymo ka fuliyeen suuq ku yaalla gobolka Paktika, meel u dhow magaalada Kabul iyo xadka Durand Line.

- Advertisement -

War-saxaafadeedka ayaa sidoo kale xusay in dhacdadani ay imaneyso xilli maalmaha Khamiista iyo habeenkii Jimcaha baraha bulshada ee Pakistan iyo Afghanistan ay hadal hayeen warar sheegaya in ciidamada cirka ee Pakistan ay duqeeyeen goobo kala duwan oo ku yaalla caasimadda Kabul.

Ilaa iyo hadda, dowladda Pakistan kama aysan bixin wax jawaab rasmi ah oo ku saabsan eedeymahan ay dowladda Afghanistan u jeedisay.

Latest stories