HomeWararMadaxweyne Xasan Sheekh iyo Axmed Madoobe oo Lagu Wado Inay Kulan Adag...

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Axmed Madoobe oo Lagu Wado Inay Kulan Adag Ku Yeeshaan Kismaayo

Date:

Related stories

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Xasan Sheekh oo Belgrade Fariin Adag Ka Jeediyay

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Belgrade uga qaybgalaya shir lagu xusayo 65-guuradii Dhaqdhaqaaqa Dalalka Aan Isbahaysiga Ahayn,

Koonfur Galbeed Oo Ansixisay Dib-u-eegista Miisaaniyadda 2026

Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed ayaa ansixiyey dib-u-eegista miisaaniyadda 2026, kadib dood iyo falanqeyn dheer oo ku saabsan dakhliga, deeqaha iyo kharashaadka dowladda.

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa lagu wadaa inuu saacadaha soo socda gaaro magaalada Kismaayo ee xarunta maamulka Jubbaland, si uu halkaas kulan fool-ka-fool ah ula yeesho Madaxweynaha Jubbaland, Mudane Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe). Kulanka ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya labada dhinac, kaddib markii Maxkamadda […]

- Advertisement -

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa lagu wadaa inuu saacadaha soo socda gaaro magaalada Kismaayo ee xarunta maamulka Jubbaland, si uu halkaas kulan fool-ka-fool ah ula yeesho Madaxweynaha Jubbaland, Mudane Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe).

Kulanka ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya labada dhinac, kaddib markii Maxkamadda Gobolka Banaadir ay dhawaan soo saartay amar soo qabasho ah oo ka dhan ah Axmed Madoobe, halka Golaha Wasiirrada Federaalka ay horey ugu eedeeyeen inuu xiriir la leeyahay kooxda Al-Shabaab.

- Advertisement -

Wadahadallada Kismaayo ayaa la sheegay in ay ka dambeeyaan dadaallo diblomaasiyadeed oo ay hormuud u yihiin dalalka Kenya, Imaaraadka Carabta iyo Itoobiya. Dowladda Kenya ayaa si gaar ah u hoggaamineysa dadaallada, iyadoo ay hormuud ka yihiin saraakiil sare oo uu ugu horreeyo Madaxa Sirdoonka Kenya, Nuuradiin Yuusuf Xaaji.

Waxaa maanta magaalada Kismaayo gaaray wafdi hordhac ah oo ka socda Madaxtooyada Soomaaliya, kuwaas oo isugu jira saraakiil ciidan iyo la-taliyayaal siyaasadeed. Sidoo kale, waxaa halkaas ku sugan wakiillo ka socda sirdoonnada dalalka Kenya iyo Itoobiya, kuwaas oo qayb ka ah gogosha diblomaasiyadeed ee la dhigay.

Dhankiisa, Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa maanta kulan la yeeshay odayaasha dhaqanka iyo hoggaanka bulshada ee taageera, isagoo u sheegay in wadahadalladan ay ka dhasheen cadaadis dibadeed, islamarkaana aysan ahayn dadaal toos uga yimid dhinaciisa ama Villa Soomaaliya.

- Advertisement -

“Waa culeys dibadeed oo nalagu keenay. Ma ahan qorshe aan waday ama ay dowladda federaalku wadaysay. Dalalka dariska ah ayaa cadaadis saaray labada dhinac,” ayuu yiri Axmed Madoobe.

Waxaa si weyn loo dareemayaa diyaargarowga magaalada Kismaayo, iyadoo la filayo in Madaxweyne Xasan Sheekh si rasmi ah loogu soo dhoweeyo halkaas. Ilo xog ogaal ah ayaa sheegaya in Villa Soomaaliya ay dhowaan ka hadli doonto eedeymaha hore ee loo jeediyay Axmed Madoobe iyo suuragalnimada in laga laabto qaar ka mid ah go’aannadii dowladda.

Inkastoo aan weli si rasmi ah loo shaacin ajandayaasha wadahadalka, ilo diblomaasiyadeed ayaa sheegaya in kulankan uu noqon doono mid adag, isla markaana u baahan tanaasul ballaaran. Waxaa la filayaa in natiijada kulankaasi ay si weyn u saameyso mustaqbalka xiriirka u dhexeeya maamulka Jubbaland iyo dowladda dhexe ee Soomaaliya.

Latest stories