HomeWararGuddoomiyaha Gobolka Banaadir oo xarigga ka jaray 12 waddo cusub oo laga...

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo xarigga ka jaray 12 waddo cusub oo laga hirgeliyay Muqdisho

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa maanta si rasmi ah xarigga uga jaray 12 waddo oo cusub oo lagu dhisay qaabka Interlock, kuwaas oo laga hirgeliyey Waaxda Xaawo Taako ee degmada Hawlwadaag. Mashruucan ayaa ka hirgalay iskaashiga bulshada deegaanka iyo maamulka Gobolka Banaadir, waxaana uu qayb ka yahay […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa maanta si rasmi ah xarigga uga jaray 12 waddo oo cusub oo lagu dhisay qaabka Interlock, kuwaas oo laga hirgeliyey Waaxda Xaawo Taako ee degmada Hawlwadaag.

Mashruucan ayaa ka hirgalay iskaashiga bulshada deegaanka iyo maamulka Gobolka Banaadir, waxaana uu qayb ka yahay dadaallada lagu horumarinayo kaabeyaasha dhaqaalaha iyo bilicda caasimadda.

- Advertisement -

Dr. Muungaab ayaa sheegay in xasilloonida iyo nabadgelyada magaalada ay horseedeen horumar muuqda, isla markaana dowladda hoose ka go’an tahay in canshuurta shacabka dib loogu celiyo adeegyo la taaban karo. Wuxuu carabka ku adkeeyay in mudnaanta koowaad la siin doono dhismaha iyo dayactirka waddooyinka muhiimka ah.

Sidoo kale, Guddoomiyaha ayaa ku dhawaaqay in qorshaha dhismaha Wadada Warshadaha uu meel wanaagsan marayo, islamarkaana qiimeyn lagu sameynayo. Wuxuu intaas ku daray in si dhawaan ah wax looga qaban doono waddooyinka Daalo iyo Fagax.

Dhanka kale, wuxuu ugu baaqay shacabka inay door muuqda ka qaataan ilaalinta nadaafadda iyo bilicda magaalada, maadaama ay tahay masuuliyad guud oo ka saaran dhammaan bulshada.

- Advertisement -

Munaasabadda xarig-ka-jarista waxaa ka qeyb galay Guddoomiye Ku-xigeenka Hawlaha Guud, Cabdimajiid Daahir Aadan, agaasimayaal ka tirsan maamulka gobolka, iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan degmada Hawlwadaag.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts