HomeWararGuddoomiyaha Gobolka Banaadir oo xarigga ka jaray 12 waddo cusub oo laga...

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo xarigga ka jaray 12 waddo cusub oo laga hirgeliyay Muqdisho

Date:

Related stories

Madaxweyne Xasan oo Galinsoor ugu baaqay nabadda iyo xasiloonida

Madaxweyne Xasan iyo Madaxweynaha Galmudug oo Galinsoor ku soo dhoweeyay shacabka – ma xoojin doontaa xiriirka federaalka iyo maamulka?

Baydhabo: Ciidamada Dowladda Iyo Kuwa Laftagareen Oo Isku Dhacay

Baydhabo ayaa saaka laga maqlay rasaas xooggan, kaddib markii ciidamo kala taageersan dhinacyada siyaasadda ay magaalada ku dhex dagaallameen, iyadoo xaaladda amni ay weli kacsan tahay.

Madaxweyne Xasan oo tababar u soo xiray kumannaan askari Xananbuure

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tababar u soo xiray kumannaan askari oo hal sano ku qaatay Xananbuure, kuwaas oo ah ciidamadii ugu badnaa ee tababar ku qaata gudaha dalka tan iyo burburkii 1991-kii.

Jeexjeexyada Maqaarka: Yaa Ku Dhaca, Ma La Daaweyn Karaa?

Jeexjeexyada maqaarka waa xarriiqo caadi ah oo ka dhalan kara miisaan isbeddel uur, koritaanka jirka ama arrimo hidde-side ah Laakiin maxa sababa, yaase ugu badan mase dhab ahaan waa la daaweyn karaa?

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa maanta si rasmi ah xarigga uga jaray 12 waddo oo cusub oo lagu dhisay qaabka Interlock, kuwaas oo laga hirgeliyey Waaxda Xaawo Taako ee degmada Hawlwadaag. Mashruucan ayaa ka hirgalay iskaashiga bulshada deegaanka iyo maamulka Gobolka Banaadir, waxaana uu qayb ka yahay […]

- Advertisement -

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa maanta si rasmi ah xarigga uga jaray 12 waddo oo cusub oo lagu dhisay qaabka Interlock, kuwaas oo laga hirgeliyey Waaxda Xaawo Taako ee degmada Hawlwadaag.

Mashruucan ayaa ka hirgalay iskaashiga bulshada deegaanka iyo maamulka Gobolka Banaadir, waxaana uu qayb ka yahay dadaallada lagu horumarinayo kaabeyaasha dhaqaalaha iyo bilicda caasimadda.

- Advertisement -

Dr. Muungaab ayaa sheegay in xasilloonida iyo nabadgelyada magaalada ay horseedeen horumar muuqda, isla markaana dowladda hoose ka go’an tahay in canshuurta shacabka dib loogu celiyo adeegyo la taaban karo. Wuxuu carabka ku adkeeyay in mudnaanta koowaad la siin doono dhismaha iyo dayactirka waddooyinka muhiimka ah.

Sidoo kale, Guddoomiyaha ayaa ku dhawaaqay in qorshaha dhismaha Wadada Warshadaha uu meel wanaagsan marayo, islamarkaana qiimeyn lagu sameynayo. Wuxuu intaas ku daray in si dhawaan ah wax looga qaban doono waddooyinka Daalo iyo Fagax.

Dhanka kale, wuxuu ugu baaqay shacabka inay door muuqda ka qaataan ilaalinta nadaafadda iyo bilicda magaalada, maadaama ay tahay masuuliyad guud oo ka saaran dhammaan bulshada.

- Advertisement -

Munaasabadda xarig-ka-jarista waxaa ka qeyb galay Guddoomiye Ku-xigeenka Hawlaha Guud, Cabdimajiid Daahir Aadan, agaasimayaal ka tirsan maamulka gobolka, iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan degmada Hawlwadaag.

Latest stories