HomeBilan Media SomaliXeebaha Soomaaliya waxay qani ku yihiin kheyraadka badda, balse dadka qaar weli...

Xeebaha Soomaaliya waxay qani ku yihiin kheyraadka badda, balse dadka qaar weli kuma baraarugsana isticmaalka kalluunka.

Date:

Related stories

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

When Cash Failed, Connection Became Currency

When cash failed in Somalia, connection became currency. How mobile money helped rebuild trust, access, and resilience and why EVC Plus became more than a payment method. Read the full story.

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Dhaqankan ayaa sii xoogaystay sanadihii u dambeeyay, balse ka hor burburkii dalka, cunista kalluunka waxay ahayd arrin ay dad badani ka faani jireen. Xilligii dowladdii kacaanka, waxaa la qaaday dadaallo ballaaran oo bulshada lagu barayay cunista iyo isticmaalka kalluunka. Xasan Abuukar, oo ah khabiir ku takhasusay arrimaha badda, ayaa noo sharaxay sida ay dadkii hore […]

- Advertisement -

Dhaqankan ayaa sii xoogaystay sanadihii u dambeeyay, balse ka hor burburkii dalka, cunista kalluunka waxay ahayd arrin ay dad badani ka faani jireen.

Xilligii dowladdii kacaanka, waxaa la qaaday dadaallo ballaaran oo bulshada lagu barayay cunista iyo isticmaalka kalluunka.

- Advertisement -

Xasan Abuukar, oo ah khabiir ku takhasusay arrimaha badda, ayaa noo sharaxay sida ay dadkii hore u isticmaali jireen kalluunka.

“Dadkii hore kalluunka ma aysan aqoonin, dadka yar mooyaane oo cuni jiray. Magaalooyinku sida maanta uma furneyn, sidaasna looma deggeneyn. Laakiin waqtigii kacaanka, waxaa jirey maalmo aanan wax hilib ah lagu qalin kawaannada, oo kaliya malayga la cuni jiray. Dadka intooda badan halkaas ayey ku barteen,” ayuu yiri Xasan Abuukar.

Cali Saciid, oo ka mid ah dadka ka ganacsada kalluunka, ayaan weydiinay farqiga u dhexeeya iibsiga kalluunka waqtigan iyo xilliyadii hore.

“Malayga dadka way barteen; xilligii hore sidaas looma aqoon jirin. Inyar oo malay ah ayaa naloo keeni jiray, haddase doonyuhu way bateen, dadka cunana way bateen, aad iyo aad ayey u cunaan malayga,” ayuu yiri Cali Saciid.

Si aan wax badan uga ogaano isbeddelka ku yimid dhaqanka bulshada ee xagga cunista kalluunka, dadka ku nool magaalada Muqdisho ayaan weydiinay in cunto maalmeedkooda uu qayb ka yahay malayga.

“Anigu hore malay ma cuni jirin, hilibka ayaan badnaa. Dadka waxay dhahaan xasaasiyad ayuu leeyahay, qofka xattaa haddii uusan qabin shakigaas ayaa lagu abuurayaa. Laakiin sanadkan aad ayaan u isticmaalaa, marka loo fiiriyo hilibkana waxaan dareemayaa inuu ka fiican yahay,” ayuu yiri Mustaf Maxamed.

- Advertisement -

Khadijo Maxamed, oo ka mid ah dadka ku nool Muqdisho, ayaa iyaduna noo sheegtay:

“Anigu malay lee cunaa, hilib ma jecli. Malayga waa la igu soo koriyey.”

Soomaaliya waxay leedahay xeebta labaad ee ugu dheer qaaradda Afrika, taas oo hodan ku ah kalluunka iyo khayraad kale oo badeed. Hase yeeshee, dad badan oo Soomaaliyeed weli ma aysan ka faa’iideysan nimcadan weyn ee Alle siiyey, iyadoo kalluunka uu weli ka maqan yahay miisaska qoysas badan.

 

Fathi Hassan, Bilan Media

Latest stories